Xubno ka tirsan Al-shabaab oo dil ka geystay Gaalkacayo oo toogasho lagu xukumay
February 19, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa saaka ay Maxkamada ciidamada Qalabka sidda iyo dambiyada culus ee Puntland Faraceeda Gobolka Nugaal ay ku riday xukun dil toogasho ah labo gacan ku dhiigle oo ka tirsan amniyaadka Al-shabaab oo Gaalkacyo dilal ka geystay halka mid kalena lagu xukumay Xabsi daa’in.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda iyo dambiyada culus ee gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe C/laahi Xirsi Cilmi(Cabdullahi Dheere) oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee ay Maxkamadu ku riday xukunka lagu hayo cadaymo iyo marqaatiyaal ah in ay dilal ka geysteen magaalada Gaalkayo ee xarunta Gobolka Mudug.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabaka sidda iyo dambiyada culus ee gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe C/laahi Xirsi Cilmi(Cabdullahi Dheere) ayaa xusay in xubnahaan Al-shabaab lagu hellay cadaymo ah in ay dileen Allaha u naxariistee:-
1. Nabadoon Aadan faarax Dheere.
2. Cali Faarax oo katirsanaa shaqaalaha BDRS.
3. Wariye Liibaan Cabdullahi Faarax oo ahaa wariye ka howl gala Puntland.
Maxkamada ciidamada Qalabka sidda iyo dambiyada culus ee Puntland Faraceeda Gobolka Nugaal ayaa xubnaha amniyaadka Al-shabaab ee ay dilka ku xukuntay waxaa ka mid ah gacan ku dhiiglayaasha kala ah:-
1. Cawil Cali Faarax waxaa lagu xukumay dil toogasho ah iyo in mudo 30 cisho uu rafcaan ka qaadan karo xukunka Maxkamada.
2:- Cabdifataax Cabdilaahi Yuusuf waxaa lagu xukumay dil toogasho ah iyo in mudo 30 cisho uu rafcaan ka qaadan karo xukunka Maxkamada.
Dhinac kale waxaa kale oo ay maxkamada xabsi daa’in ku xukuntay Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf iyo in mudo 30 cisho uu rafcaan ka qaadan karo xukunka Maxkamada.
Xukunka ay ku riday xubnaha amniyaadka Al-shabaab Maxkamada ciidamada qalabka sidda iyo dambi yada culus ee dowladda Puntland Faraceeda Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili maalin ka hor Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda iyo dambiyada culus Gobollada Bari, Sanaaga, Karkaar iyo Heylaan ay xukumo kale duwan ku riday xubno ka tirsan amniyaadka Al-shabaab.
M_M_Deeq
Halgan.net