Xubno ka tirsan Al-shabaab oo dil ka geystay Gaalkacayo oo toogasho lagu xukumay

February 19, 2015 - Written by Editor

maxkamadGaroowe:-Waxaa saaka ay Maxkamada ciidamada Qalabka sidda iyo dambiyada culus ee Puntland Faraceeda Gobolka Nugaal ay ku riday xukun dil toogasho ah labo gacan ku dhiigle oo ka tirsan amniyaadka Al-shabaab oo Gaalkacyo dilal ka geystay halka mid kalena lagu xukumay Xabsi daa’in.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda iyo dambiyada culus ee gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe C/laahi Xirsi Cilmi(Cabdullahi Dheere) oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee ay Maxkamadu ku riday xukunka lagu hayo cadaymo iyo marqaatiyaal ah in ay dilal ka geysteen magaalada Gaalkayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabaka sidda iyo dambiyada culus ee gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe C/laahi Xirsi Cilmi(Cabdullahi Dheere) ayaa xusay in xubnahaan Al-shabaab lagu hellay cadaymo ah in ay dileen Allaha u naxariistee:-

1. Nabadoon Aadan faarax Dheere.

2. Cali Faarax oo katirsanaa shaqaalaha BDRS.

3. Wariye Liibaan Cabdullahi Faarax oo ahaa wariye ka howl gala Puntland.

Maxkamada ciidamada Qalabka sidda iyo dambiyada culus ee Puntland Faraceeda Gobolka Nugaal ayaa xubnaha amniyaadka Al-shabaab ee ay dilka ku xukuntay waxaa ka mid ah gacan ku dhiiglayaasha kala ah:-

1. Cawil Cali Faarax waxaa lagu xukumay dil toogasho ah iyo in mudo 30 cisho uu rafcaan ka qaadan karo xukunka Maxkamada.

2:- Cabdifataax Cabdilaahi Yuusuf waxaa lagu xukumay dil toogasho ah iyo in mudo 30 cisho uu rafcaan ka qaadan karo xukunka Maxkamada.

Dhinac kale waxaa kale oo ay maxkamada xabsi daa’in ku xukuntay Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf iyo in mudo 30 cisho uu rafcaan ka qaadan karo xukunka Maxkamada.

Xukunka ay ku riday xubnaha amniyaadka Al-shabaab Maxkamada ciidamada qalabka sidda iyo dambi yada culus ee dowladda Puntland Faraceeda Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili maalin ka hor Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda iyo dambiyada culus Gobollada Bari, Sanaaga, Karkaar iyo Heylaan ay xukumo kale duwan ku riday xubno ka tirsan amniyaadka Al-shabaab.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online