Xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaaraha DFS oo la horgenayo Baarlamaanka.
February 9, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa maanta la horgeynayaa Golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda cususb ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa la filayaa in ay Xildhibaanadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhagaystaan qorshaheed cusub ka dibna loo qaado codka kalsoonida.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay u badan tahay in xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Sharmaake ay ansixiyaan Xildhibaaada Dowladda Federaalka Soomaaliya .
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa soo dhisay 27-kii bishii Janaayo xukuumadda ka kooban 20 wasiir oo aysan ku jirin wasiiro ku xigeeno yo wasiirudowlayaal isagoo Baarlamaanka ka codsaday 10 cisho in la siiyo oo uu ku soo dhamaystiro xukuumadiisa taas oo marki danbe uu ku guulaystay.
Amaanka guud ee xarunta Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wadooyinka ugu muhiim san ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo si wada jir ah ay amaanka u wada sugayaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
A/cawaale
Halgan.net