4 ku dhimatay weerar Is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.[Dhagayso]

June 24, 2015 - Written by Editor

gaariMuqdisho:-Saddex ka mid ah askarta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo qof rayid ayaa ku geeriyooday, saddex askari oo kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib markii qarax ismiidaamin ah uu maanta ka dhacay agagaarka cisbtiaalka xoogga ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in loola dan lahaa shaqaale u dhashay waddanka Imaaraadka carabta oo la sheegay in ay magaalada Muqdisho u joogaan howlo dhismo ah iyo askar iyaga la socotay, waxaana la sheegay in shaqaalaha imaaraadka aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin qaraxaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in sidoo kale ay dhibaato ka soo gaartay dad barakacayaal ah oo agagaarka cisbitalka Xoogga daggan oo goobtii ay dagganaayeen uu ugu tagay firirka qaraxa, hase ahaatee lama hubo khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray.

Dadka dhaawacu soo gaaray ayaa la geeyay cisbitalka madiina ee magaalada muqdisho halkaas oo lagu dabiibayo. Ilaa iyo hadda mar jirtoo cid sheegaay qaraxaasi.

Hoos ka Dhageyso Qaraxa Muqdisho

Source: VOA

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online