Al-shabaab oo weerarkii Leego ku dilay Askar badan oo ka tirsan Ciidanka AMISOM.[Dhagayso]

June 26, 2015 - Written by Editor

meyd-amisomSaraakiil iyo goobjoogayaal ayaa VOA u sheeg in 70 ciidamada Burundi ee AMISOM lagu dilay ka dib markii al-Shabaab ay weerartay oo qabsatay xero ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Leego ee Gobolka. Sh. Hoose.

Weerarka ayaa ku bilowday baabuur ku qarxay ganjeelka ama iridda xerada, kadibna waxaa bilowday dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Siidii ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay gowraceen dhowr iyo tobban dumar ah, isla markaana la la’ yahay ciidamo Burundi ah iyo tiro badan oo Soomaali ah oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Leego, kuxigeenkiisa iyo wali wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa canbaareeyay weerarka, balse ma uusan sheegin tirada ciidamada AMISOM ee weerarka ku dhintay. Dowladda Somalia, iyo wakiilka QM ee Somalia ayaa labaduba canbaareeyey weerarka.

al-Shabaab ayaa wacad ku martay inay kor u qaadi doonaan weerarada ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada AMISOM inta lagu duda jiro bisha Ramadan.

Weerarka Leego

VOA: Source

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online