Arday dhamaysay Xifdinta Quraanka Kariimka oo Xaflada qalin jabin ah loo qabtay.[Masawiro]

June 15, 2015 - Written by Editor

IMG_9428Qardho:-Madarasada Imaamu Dahabi Qardho ayaa waxa ay xaflad Qalinjabin ah u qab tay 40 arday oo dhamaysatay Quraanka Kariimka, xaflada Qalinjabinta 40 ka arday ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka Waxbarashada Gobolka Karkaar, Culumaa’u diin, waalidiin, Maamul, Macalimiin, Arday iyo marti sharaf kale.

Axmed Maxamed Xurbe Maamulaha Madarasada oo ugu horayn munaasabada ka hadlay ayaa ka warbixiyay madarasada wuxuuna sheegay in madarasada ay isugu jirto Xifdinta Quraanka Kariimka iyo Waxbarashada Dugsiga Hoose, waxa uu sidoo kale sheegay in xaflada maanta ay shahaadooyin iyo abaalmarino qaali ah ay ku gudoonsiin doonaan 40 arday oo dhamaysatay Xifdinta Quraanka Kariimka iyo waalidiintooda, Ardaydii ku guulaysatay Tartamada Quraanka Kariimka ee dugsiga uu u qabto ardayda.

Ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaankii madarasada ee 2014-2015, dhamaan waxa uu sheegay ardaydaas inay abaalmarin doonaan oo karamayn doonaan waxa uuna dhamaan waalidiinta kula dar daarmay in u badkooda ay kula dadaalaan barashada Quraanka Kariimka.

Sh.C.risaaq Xuseen Ciise oo kamid ah Culimada Puntland ayaa khudbad dheer oo ku saabsan quraanka iyo barashadiisa halkaa kasoo jeediyay wuxuuna dhamaan bulshadii xaflada kasoo qaybgashay ku booriyay inay Quraankana xifdiyaan macanihiisana bartaan, ardaydii dhamaysay quraankana u hambalyeeyey.

Qaar kamid ah waalidiinta caruurtooda ay wax ka bartaan Madarasada Imaamu dahabi Qardho ayaa aad u amaanay howsha ay hayaan Maamulka iyo Macalimiinta waxay sidoo kale sheegeen inay aad u farax galinayso in maanta shahaadooyin lagu doonsiiyo ubadkooda oo dhameeyay Quraanka kariimka iyo waalidiintii oo ayagana la xusay oo shaadooyin lagudoonsiiyay kadib markii maamulka Madarasada uu sheegay in ardayda heerka ay joogaan  kaalinta muhiim ah ay ka qaateen Waalidiinta, waxayna kula dardaarmeen Maamulka iyo macalimiinta inay halkaa kasii wadaan howsha khayrka badan ee ay Bulshada Muslimka ah u hayaan.

Bashiir Axmed Gaalari Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Karkaar oo Munaasabada soo xiray ayaa dhamaan u hambalyeeyay ardaydii dhamaysay quraanka kariimka iyo waalidiintooda, ardaydii ku guulaysaty Tartanka Quraanka kariimka oo isugu jiray 30 ka jus, 20 jus, 10 jus iyo 5 jus, ardaydii kaalmaha hore lagu abaalmariyay iyo Maamulkii iyo macalimiintii ardayda mudadada wax soo barayay wuxuuna dhamaan bulshada kul dardaarmay in u badka la xifdiisiyo quraanka taasna ay wax walba u sahlayso ardayga.

Gabagabadii Xaflada waxaa shahaado sharaf lagudoonsiiyay dhamaan macalimiinta Madarasada oo holkarnimo muujiyay, ardaydii dhamaysay quraanka kariimka ayadoo ay jirtay arday lagu abaalmariyay kaalmaha hore ee Iskuulka iyo arday ku guulaysatay Tartanka Quraanka kariimka.

no images were found

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online