Ardayda jaamacadda Bariga Afrika oo deeq lacageed iyo agab kale gaarsiiyey walaalaha ka soo qaxay Yemen.[Masawiro]

June 12, 2015 - Written by Editor

IMG_8855Boosaaso:-Ardayda jaamacadda Bariga Afrika ayaa maanta deeq gaarsiiyey qaxootiga ka soo qaxay Yemen ee ku jira xerada qaxootiga magaalada Bosaaso. Deeqda la gaarsiiyey qaxootiga ayaa isugu jirtay dawo, raashiin, dhar iyo lacag cadaan ah oo dhan 570 doolar.

Xafladda lagu wareejinayay deeqdan lacageed oo ardayda ay uga qayb qaadanayaan taakulada loo samay nayo qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen ayaa lagu qabtay xafiiska Mu’asasada Al-minhaaj ee Bosaaso, waxaana soo ka qayb galay ardayda, xubno ka socday gudiga gurmadka qaxootiga, jaamacadda, maamul ka minhaaj iyo qaar ka mid ah culumada Puntland.

Ustaad Maxamad Faahiye Ciise oo ah madaxa xiriirka ardayda ee jaamacadda oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ardayda jaamacadda ay dadaal dheer u galeen sidii ay u caawin la haayeen qaxootiga walaalahooda ah ee soo gaaray magaalada Bosaaso.

Ardayda dhexdooda ayaa waxa ay iska soo aruuriyeen, raashiin, dawo, dhar iyo lacag cadaan ah, waana ardaydii ugu horeysay ee reer Puntland ah oo ka qeyb qaadata gurmadka qaxootiga ayuu yiri Ustaad Faahiye.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay afahayeenka gudiga gurmadka qaxootiga Sheekh Cismaan Xaaji Dirir oo u mahad celiyey ardayda sida wanaagsan oo ay isku soo xil qaameen. Gudoomiyaha Mu’asasada Al minhaaj Sh.Maxamed Cabdullaahi Cabdule ayaa dhankiisa xusay in wax lagu farxo ay tahay talaabadan ay ardayda qaadeen , waxaana uu ugu baaqay ardayda kale in ay ku daydaan.

Si kastaba ha ahaatee deeqda ayaa waxaa lagu wareejiyey Al-minhaaj oo iyadana ku wareejisay gudiga gurmadka qaxootiga.

no images were found

Mu’asasada Al minhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online