Beesha Wabeeneeye 20,000 oo doollar ugu deeq day qaxootiga kasoo qaxay Yemen kuna wareejisay Mu’asassada Al-minhaaj.[Masawiro]

June 1, 2015 - Written by Editor

DD 43Boosaaso:-Beesha Wabeeneeye oo ka mid ah Beelaha dega Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01-6-2015 ku wareejiyay deeq lacageed oo gaaraysa 20.000 oo dollar Mu’ssadda Al-minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta iyo Guddiga gurmadka Qoxootiga ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka Yeman.

Munaasabada lagu wareejinaayay deeqdan lacageed oo Beesha Wabeeneeye ay uga qayb qaadanayso taakulada loo samaynaayo Qaxootiga ka imaanaya Yamen oo lagu qabtay Xafiiska Mu’asasada Al- min haaj ee Bosaaso ayaa waxaa ka qayb galay Suldaanka Beesha wabeeneeye Suldaan Siciid Maxamed Maxamuud (Irbad), Gudoomiyaha Gudiga gurmadka Qaxootiga dalka Yemen ee Beesha Wabeeneeye ,Madaxda Mu’ssadda Al-minhaaj , Gudiga gurmadka qaxootiga Yemen iyo qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn.

Suldaanka Siciid Maxamed Maxamuud (Irbad) oo ugu horeen munaasabada daah furay ayaa bogaadin iyo amaanba u jeediyay culimada , Mu’asasada Al minhaaj iyo Gudiga gurmada Qaxootiga Yeman, dadaalka balaaran ee ay ugu jiraan taakulaynta dadka ka soo qaxaya dalka Yemen, wuxuuna ilaahay uu uga baryay in uu u fududeeyo.

Suldaan Siciid Maxamed Maxamuud (Irbad) ayaa sidoo kale sheegay In beesha markii ay aragtay culayska faraha badan ee arrintaan dhalisay ay u istaagatay siddii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen gacansiinta dadka walaalahood ah.

‘’ Marka laga yimaado dadka shaqsiyaadka ah ee wax ku deeqaay ama shirkadaha , waxay beeshu dareentay in culaysku intaasi ka badan yahay oo aanu ku filnaan karaynin shirkada iyo shaqsiyaad ,marka beelaha naftooda arinka in ay ka qayb qaataan baanu halkaan u nimid oo aanu hormuud u noqono beelaha , waxaanu ku wareejinaynaa gudiga iyo culumada lacag dhan 20,000” ayuu yiri.

Gudoomiyaha Gudiga gurmadka Qaxootiga Yamen ee Beesha Wabeeneeye Axmed Xabiib Badar ayaa dhankiisa xusay in beesha ay soo kicisay qayladhaanta ay culumadu jeedinyaan iyo dhibaatada ka muuqata dadka qaxootiga ah, kuwaasi oo u baahan gacan walaaltinimo oo loo fidiyo dadkaasi.

Sheikh Daahir ow -cabdi iyo sheikh maxamed macalin Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyed oo xaflada hadalo kooban ka jeediyay ayaa u mahad celiyey una duceeyey Beesha wabeeneeye oo deeqdaas lacageed soo gaarsiiyeen culimada iyo Mu’asasada alminhaaj , waxaana ay Eeba uga baryeen badal ka khayr badan.

Culimada ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada soomaaliya ,Maamulada dalka ka jira iyo ganacsataduba in ay gacan ka gaystaan taakulaynta walaalaha soomaalida iyo Ajaaniibta isugu jira ee ka soo cararaaya dagaalka ka socdo dalka Yemen.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al minhaaj ee dacwada iyo hormarinta Sh Maxamed Cabdulaahi Cabdule ayaa dhankiisa xusay in wax lagu farxo ay tahay talaabadan ay beesha Wabeeneeye ay qaaday , waxaana uu ugu baaqay beelaha kale in ay kaga daydaan.

Intaa ka dib waxa ay Suldaanka Siciid Maxamed Maxamuud (Irbad) iyo gudiga ka socday Beesha wabeeneeye ku wareejiyeen maamulka mu’asasada alminhaaj iyo culimada deeqdii lacageed ay ugu tala galeen qaxootiga ka soo cararaaya dalka Yemen.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al minhaaj ee dacwada iyo hormarinta Sh. Maxamed Cabdulaahi Cabdule ayaa isna sidoo kale waxa uu ku sii wareejiyay Deeqdii ay ku deeqday Beesha Wabeeneeye Gudoomiyaha gurmadka Qaxootiga Yemen Sh.Axmed Yuusuf Daad oo isna madasha ku sugnaa.

Gabagabadii xaflada ayaa Gudoomiyaha gurmadka Qaxootiga Yemen Sh. Axmed Yuusuf Daad waxaa uu ka soo jeediyay kalmado u badnaa duco ,waxaana uu Eebe uga baryay in uu ka abaalmariyo cidkasto oo gacan ka gaysatay gurmadkan loo samaynaayo Qaxootiga ka soo cararaya dagaalka ka socda dalka Yamen.

Beesha Wabeeneeye oo kamid ah Beelaha daga puntland ayaa ah beeshii ugu horeysay oo qaab beel ahaan ah gudiga iyo culimada u soo gaarsiiyay deeq lacageed oo ay ugu tala galeen in ay uga qayb qaataan gurmadka qaxootiga ka soo cararaya dagaalka ka socda dalka Yeman ee soo gaaraya Puntland.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Bosaso, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online