Culimada Iyo Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yeman oo soo Bandhigay deeqihii lacageed ee soo gaaray[Masawiro]

June 4, 2015 - Written by Editor

IMG_8061Boosaaso:-Culimo’udiinka magaalada Boosaaso iyo Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yeman ayaa xalay Masjidu Rawda ku qabtay kulan ay ku soo Bandhigeen Lacagaha dadka soomaaliyeed ee dalka dibadiisa iyo gudihiisa ku sugan ay soo gaarsiiyeen,waxyaabaha u qabsoomay Guddiga, Xaaladda qaxootiga Yeman,uguna mahadceliyay dadweynaha Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay Gurmadka,kuna nool gudaha iyo dibada.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Yaman Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo Daahfuray kulanka,ayaa sheegay in Guddiga la aas-aasay xilli xaalad adag ay haysatay qaxootiga kaso qaxay dalka Yaman.

‘’Guddiga waxaa la Aas-aasay iyada oo aan Xerada laga qadayn,lagana quraacan oo maalin iyo habeen aysan waxba cunin,waxna cabin,waxaana loo aasasay dhibaatada jirta awgeed sidii dadka wax loo gaarsiin lahaa’’Ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Yeman Sheekh Axmed Yuusuf Daad.

Mar uu ka hadlayay tirada dadka soo gaaray Bosaso ayaa wuxuu yiri‘’…Waxaa Bosaso yimi dad gaarya 9,691 qaxooti ah oo isugu jira Soomaali,Yamaniyiin,Kenyaati,Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan,waxaana dadkaa u Gurmaday Dawlada iyo dadweynaha reer Puntland’’.

C/fataax Maxamed Sugule oo ah madaxa xarunta cuna karinta qaxootiga, ahna xubina ka mid ah gudiga qaxootiga dalka yamen ayaa isna ka warbixiyay habka cunada dadkaas loo siiyo, iyo noocyada cunada la siiyo, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku tilmaamay in cunada la siiyo ay tahay mida ugu saraysa ee qof cuno.

Maxamed Cabdi waabari oo ah ku xigeenka labaad ee ee gudoomiyaha rugta ganacsiga , ahna xubina ka mid ah gudiga qaxootiga dalka yamen ayaa ka warbixiyay dowrka baaxada leh ee ay ka qaateen Ganacsatadu taageerida qaxootiga kasoo qaxaya dalka yamen.

Sheekh Daahir Owcabdi oo ka mid ah Culumada ugu waawayn Soomaaliya ayaa sheegay in Taariikhda ay galayso sida shacabka reer Puntland ay ugu Gurmadeen walaalahooda ka soo qaxay dalka Yeman.

Sheekh Daahir ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo ka soo gaaray Dawlada Federaalka Soomaaliya,wuxuu u duceeyay dadweynaha Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay Gurmadka loo fidiyay dadka ka soo qaxay Yaman.

Halkaan ka eeg Magacyada dadkii wax soo diray iyo dalalaka iyo deegaanada wax laga soo diray

Guddoomiye ku xigeenka Minhaaj Ciise Siciid Maxamed ayaa sheegay in shacabka reer Puntland ay ka dhabeeyen Hinsidahii ahaa reer Puntland ha isku tashteen,taasi oo ula jeeday sida reer Puntland ay ugu wada istaageen caawinta walaalahooda kaso qaxay Yaman.

Halkaan ka eeg wadamada laga soo diray lacagta la soo gaarsiiyey gudiga gurmada culimada Boosaaso

Intii kulanku socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay Sawiro ka tarjumaya xaaladda Qaxootiga iyo Gurmadka loo fidiyay,waxaana Culumadu ay soo Bandhigeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay Gurmadka.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Bosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online