Culimada iyo Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yeman oo soo bandhigay deeqihii soo gaaray 3 bishii June ilaa 11 june 2015 .
June 13, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Culimada Puntland ee magaalada Bosaaso ku sugan iyo guddiga gurmadka qaxootiga Yeman ayaa maanta waxaa ay soo bandhigeen lacagaha dadka Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa iyo gudihiisa ku sugan ay soo gaarsiiyeen laga bilaabo 3 bishii June ilaa 11 june 2015 maadama ay wajigii hore soo bandhigeedn dadkii lacagta usoo diray iyo wax yaabaha u qabsoomay guddiga, xaaladda qaxootiga Yeman, uguna mahadceliyay dad weynaha Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay gurmadka ee ku nool gudaha iyo dibada waxaana hadda soo gaaray magaalada Boosaso 12,000 oo qof,
Waxaan maanta la sugayaa Markab sidda 2800 ilaa 3,000 oo qof oo tirada ka dhigaysa 15,000 qof waxaana dadka intooda badani ay u socdaan Koonfurta dalka halka qaybaha kale ay ku degayaan deegaanada Puntland iyo Somaliland .
Guddoomiyaha guddiga gurmadka Yeman Sheekh Yuusuf Daad ayaa u mahadnaqay dhamaan dadkii soomaaliyeed ee hawshaan ka qayb qaatay gaar ahaan kuwa lacagta , raashinka iyo xoogaba ku bixiyay u gurmashada walaalaha qaxootiga Yeman ee Bosaaso ka soo degay .
Wuxuuna Sheekh.axmed Yuusuf Daad ka codsaday walaalaha khayrka jecel inay ka soo qayb qaataan taakulaynta qaxootiga wuxuuna yiri : ( hawl kama daale weli waa hogadii ). Ugu danbayntii wuxuu Sh. axmed Yuusuf Daad u ducayay dadka dhaqaalaha u soo diray dal iyo dibadba.
Muss’adda Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net