Culimada iyo Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yeman oo soo bandhigay deeqihii soo gaaray 3 bishii June ilaa 11 june 2015 .

June 13, 2015 - Written by Editor

IMG-20150529-WA0016Boosaaso:-Culimada Puntland ee magaalada Bosaaso ku sugan iyo guddiga gurmadka qaxootiga Yeman ayaa maanta waxaa ay soo bandhigeen lacagaha dadka Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa iyo gudihiisa ku sugan ay soo gaarsiiyeen laga bilaabo 3 bishii June ilaa 11 june 2015 maadama ay wajigii hore soo bandhigeedn dadkii lacagta usoo diray iyo wax yaabaha u qabsoomay guddiga, xaaladda qaxootiga Yeman, uguna mahadceliyay dad weynaha Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay gurmadka ee ku nool gudaha iyo dibada waxaana hadda soo gaaray magaalada Boosaso 12,000 oo qof,

Waxaan maanta la sugayaa Markab sidda 2800 ilaa 3,000 oo qof oo tirada ka dhigaysa 15,000 qof waxaana dadka intooda badani ay u socdaan Koonfurta dalka halka qaybaha kale ay ku degayaan deegaanada Puntland iyo Somaliland .

Guddoomiyaha guddiga gurmadka Yeman Sheekh Yuusuf Daad ayaa u mahadnaqay dhamaan dadkii soomaaliyeed ee hawshaan ka qayb qaatay gaar ahaan kuwa lacagta , raashinka iyo xoogaba ku bixiyay u gurmashada walaalaha qaxootiga Yeman ee Bosaaso ka soo degay .

Wuxuuna Sheekh.axmed Yuusuf Daad ka codsaday walaalaha khayrka jecel inay ka soo qayb qaataan taakulaynta qaxootiga wuxuuna yiri : ( hawl kama daale weli waa hogadii ). Ugu danbayntii wuxuu Sh. axmed Yuusuf Daad u ducayay dadka dhaqaalaha u soo diray dal iyo dibadba.

Halkaan ka eeg Liiska dadka iyo dalalka laga soo diray deeqaha lacageed ee soo gaaray  gudiga gurmadka qaxootiga Yeman

Muss’adda Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online