Dowlada Mareykanka oo ku baaqaday in la xiro Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan AL-BAshiir

June 15, 2015 - Written by Editor

albashiirMareykanka ayaa ku biirey wadamada ku baaqaya in ay South Africa ay  xirto madaxweynaha Sudan Cumar Xasan AL-BAshiir, oo loo heysto dacwad mudaba soo taagneyd oo ah danbiyo dagaal iyo kuwo bani’aadanimo isagoo halkaas u tegey inuu ka qeybgalo shirka madaxda Africa.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada  John Kirby ayaa sheegey in inkastoo Mareykanka aanu qeyb ka aheyn wadamadiis axiixey Cahdigii Roma ee maxkamada danbiyada caalamiga ah ee ICC, hadana ay si weyn u taageerayaan in qof walba lagula xisaabtamo  danbiyada xasuuq iyo kuwa dagaal ee uu galo.

Waxa ay Mareykanku ugu baaqeen dowlada South Africa in ay ka hor istaagto madaxweyne Albashiir inuu dalkeeda ka baxo.

ICC ayaa ku eedeysey Mr. LAbashiir 10 danbi oo uu ka mid yahay xasuuq, danbiyo dagaal iyo danbiyo ka dhan ah bani’aadanimada, isagoo ciidamada dowlada iyo carab uu hubeeyey u direy gobolka Darfur si ay cagta u mariyaan kacdoon ka dhacaayey  Darfur sanadkii 2003da.

Shaley oo Axad aheyd ayaa xaakim reer Koofur Africa ah waxa uu amrey in  masuuliyiinta dalkaas ay ka hor istaagaan Al –Bashiir inuu ka baxo dalka Koofur Africa.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online