Ducaysane iyo Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Somaliya oo Kulan wada qaatay (Masawiro)

June 15, 2015 - Written by Editor

110Garoowe:-Agaasimaha Guud ee la dagallanka Burcad-badeedda dawladda Puntland, isla markaana ah guddoomiye xigeenka Guddiga Qaranaka ee Xiriirka Baddaha (Deputy Chair of National Maritime Coordination Committee), mudane Abdirizak Mohamed Diriri (Ducaysane) iyo Safiirka dawladda Shiinaha u fadhiya Somaliya, Mudane Wei Hongtian ayaa saaka kulan qaatay muddo saacad ah ku wada yeeshay xarunta UNSOM ee Garowe, Puntland.

Safiirka oo booqasho laba cisho ah ku joogay Puntland, ayaa saaka kulanka uu la yeeshay Agaasimaha guud ee la dagaallanka Burcad-badeedda, waxay ku lafa-gureen arimo la xiriira burcad-badeedda, kalluumaysiga Sharci-darrada ah iyo guud ahaan amniga badda.

Inkastoo wax maraakiib ah oo la qabsaday aanay jirin tan iyo bishii May, 2012, haddaana waxaa jira tiro dad ah oo wali lagu haysto beriga, kuwaas oo shaqaale ka ahaa maraakiib horey loo qafaashay. Toban shaqaalaha maraakiibta ah, oo dhashay dalka Shiinaha ayaa ka mid ah kuwa wali lagu haysto beriga Somalia, sida uu noo xaqiijiyey mudane Ducaysane.

Ducaysane, ayaa u iftiimiyey dhibaatada kalluumaysiga sharci darrada ahi ku hayaan urcad-xeebaheena, taas oo sabai karta ina ay soo laabato aafadii burcad-badeednimadu, haddii aanay beesha caalamka wax ka qaban masiibada kalluumaysiga sharci darrada ah (IUU).

no images were found

Kulanak Agasimaha iyo Safiirka ayaa dhammaadan wanaag iyo is-af-garad, kuna ballamay xiriir iyo wada shaqayn.

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online