Gudiga maaliyadda Baarlamaanka oo kulan looga doodayo Iibka Qaranka (Procurment) la qaatay Saraakiil ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

June 9, 2015 - Written by Editor

Muqdisho:-Kulan looga doodayey Sharciga Iibka Qaranka oo hada horyaala Baralamaanka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka, Saraakiil ka socotay Wasaaradda Maaliyadda, iyo Khabiir ka socday Bangiga Aduunka

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey ahmiyadda uu sharcigaan u leeyahay dalka iyo sidii xildhibaanda baarlamaanku u dadajin lahaayeen ansixintiisa, sharcigaan ayaa jir-jirey xiligii dowladii Kacaanka, waxaana sharcigaan la doonayaa in la waafajiyo shuruucda caalamka si u noqodo mid la jaanqaada dunida inteeda kale.

Sharcigaan meel marintiisa wuxuu asaas u noqonayaa in loo gudbiyo Wasaaradaha,  haya’daha qaranka iyo gobolada dalka si waxa ay soo gadanayaan iyo wax ay iibinayaan loo waafajiyo sharcigaan.  Wasaarad kasta waxay yeelanaysaa waax qaabilsan iibka qaranka, waxaana waaxdii ugu horaysay laga hirgaliyey Wasaarada Maaliyada.

Gudoomiyaha Gudiga Maaliyadda Baarlamaanka Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii looga hadlay kulanka, iyo sida ugu haboon ii xildhibaanda baarlamaanku u dadajin lahaayeen meel marinta Hindise Sharciyeedka Iibka Qaranka.

“Kulankaan oo labo  maalomood noo socday, waxaan uga doodnay horumarinta iyo dib u eegista hindise sharciyeedka iibka qaranka, qandaraasayada iyo adeega loo qabto dadka, waxaaana u mahad celinayaa dhamaan dadkii ka qaybgalay.

Doodii meesha ka socotay waxay ahayd mid miro dhal ah, waxayna u noqonaysaa tusaalooyin la soo qaadan karo marka barlamaanku ka doodayo sharciga Iibka qaranka, oo hada horyaala barlamanaka horayna u soo maray akhriskii kowaad.  Hindise sharciyeedkaan wuxuu ku salaysan yahay horumarka dalka iyo in aan helno suuq xor ah, wuxuuna wax weyn ka tarayaa la dagaalanka musuq maasuqa” ayuu yiri Xild. Samaan.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay iney muhiim tahay waxkasta oo la kala gadanayo ama la soo iibinayo iney noqdaan kuwo daah furan kana madax banaan wax  isdaba marin, taas oo yareyn karta musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha dad weynaha, wuxuuna muhiimad weyn u leeyahay qaranimada Soomaaliya.

no images were found


Axmed Farax
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online