Jaaliyada soomaaliyeed ee xaafada Acton magaalada Eiling ee galbeedka  London oo $6,400 ka wareejiyey gudiga gurmadka qoxootiga Yemen.[Masawiro]

June 25, 2015 - Written by Editor

IMG_5225Boosaaso:-Waxaa maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 25/6/2015 Jaaliyada xaafada Acton ee magaalada Eiling ee galbeedka London oo uu wakiil u yahay c/laahi Maxamud Xassan  soo gaarsiisay culimada iyo gudiga gurmadka qatootiga Yemen deeq lacageed oo dhan 6,400 oo doolar .

Munaasabada lagu wareejinayey deeq daan lacageed oo ka dhacday xafiiska Mu’asasada Al-minhaaj ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wakiilka Jaaliyada soomaalida  xaafada acton ee magaalada eiling galbeedka London c/laahi Maxamud xasan(buraale) ayaa sheegay in markii ay jaaliyadu maqashay qaylo dhaanta culimada soomaaliyeed arkeena dhibka haysta qaxootiga ka soo  cararaya dagaalka yemen ka socda, waxay  u istaagtay in ay isku xilqaamaan oo ay wax urururiyaan qaxootiga.

Wakiilka oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in deeqdan lacageed ee dhan 6400 ay soo ururiyeen wax garadka iyo cuqaasha jaaliyada soomaaliyeed ee xaafada acton.

Sh.Maxamed Macalin Axmed oo ka mid ah culimada soomaaliyeed ayaa uduceeyay madaxda jaaliyada acton iyo dadkii ay kasoo ururiyeen lacagtaan , wuxuna alaah uga baryey in uu miisaankooda xasanaada ka ugu darro ,allana ubarakeeyo maalkooda iyo camalkoodaba.

Sheekha ayaa tilmaamay in qaxootigu wali ku soo qulqulayo deeganada Puntland wali  ay taagan tahay baahidii loona baahanyahay bulshada iyo shacabka Soomaaliyeed ay gacanta u fidiyaan walaalahooda tabaalaysan.

Intaas kadib c/laahi maxamud oo ahaa wakiilka jaaliyada ayaa kuwareejiyey culimada lacag dhan 6,400 oo doolar  , oo iyaguna wareejiyay gudiga gurmadka qaxootiga yemen ee Puntland.

Ugu danbayntii ayaa waxaa soo xiray  munaasabada gudoomiyaha gudiga gurmadka qaxootiga Yemen ee Puntland Sh Axmed Yuusuf Daad, isagoo hadlaya ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “waxaan qiraynaa in uu c/laahi maxamud oo wakiil ka ah  jaaliyada xaafada acton magaalada Eiling ee galbeedka London uu na soo gaarsiiyey lacag dhan $6,400  (lix kun iyo afar boqol oo doolar) , Sh.Axmed Yuusuf Daad ayaa u duceeyey jaaliyadii soo dirtay lacagtaan balana qaaday in ay qaarsiinayaan dadkii lagu talagay deeq daan lacageed.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online