Maamulka Degmada oo ka qayb galay Xaflada xiritaanka Dugsiga Al-Muntada Qardho.[Masawiro]

June 13, 2015 - Written by Editor

IMG_9395Qardho:-Munaaasabadan lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka 2014-2015 ee dugsiga Al-Muntada Qardho aya waxaa kasoo qaybgalay maamulka degmada, Isimo odayaal, Masuuliyiinta jaamacadaha Bariga Africa iyo Pidam Maamulka waxbarashada degmada waalidiin arday macalimiin iyo maamulka iskuulka.

Waxaa ugu horayn munaasabada daahfuray kuxigeenka duqa degmada ahna kusimaha duqa Burhaan Xaaaji C/raxmaan wuxuuna hambalyo u diray dhamaan ardaydii sanadkan u fariisatay Imtixaaxnkii shahaadiga ahaa wuxuuna ardayda u rajeeyay in natiijo lagu farxo ay ka keenaan imtixaankaa duqa ayaa sidoo kale xusay in bulsho walba horumarkeedu uu ku xiranyahay hadba dhalinyaradeeda sida ay tahay sidaa daraadeed dhalinta looga baahanyahay inay ogaadaan inay yihiin kuwii badeli lahaa dalka.

Maamula ku xigeenka dugsiga Siciid Ducaale ayaa dhankiisa xusay in Dugsiga Al-Muntada Qardho uu yahay dugsi aad u dhiira galiya Ardaydiisa waxaana dugsiga lagu yaqaanaa inay lacag la’aan ku dhigtaan ardayda kaalmaha hore ka gasha Imtixaanada waxaa sidoo kale qiimayn lagu sameeyaa oo lasoo dhaji yaa bilwalba macalinka ugu fiican oo shaqadiisa u guta sidii larabay oo wax kusii dara dhamaan dadaalada oo aysan u kala harin maamul macalimiin iyo waalidiinbta ayaa dugsiga gaarsiisay inuu noqdo Iskuulka ugu horeeyay Iskuulada Puntland.

Gudiga horumarinta Iskuulka oo halkaa khudbado qiima badan ka soo jeediyay ayaa dhamaan ardayda ku booriyay muhimada ay leedahay waxbarashada waxayna ka dhawaajiyeen inaysan isku mid ahayn qof waxbartay iyo qof aan waxbaran, waxa ay sidoo kale ardayda ku booriyeen in waxbarashadooda ay sii wataan ilaa heeraarka kala duwan ee jaamacada xoogana ay saaraan inay jaamacada ay ka bilaabaan dalka gudihiisa taas oo ah mid u howlyar dhamaan waalidiinta iyo ardayda intaba.

Masuul ka socday jaamacada Pidam ayaa goobta ka xusay inay Qardho ka furi doonaan jaamacada PIDAM sidaa daraadeed reer Qardho ay soo dhoweeyaan jaamacadii doonaysa inay Qardho xarun ka furato, taas ayaana waxa ay dan ugu jirtaa buu yiri masuulka ardayda iyo waalidiinta waxa uu sidoo kale halkaa ka balan qaaday in jaamacada PIDAM ay ugu deeqday dugsiga Al-muntada Qardho inay siinayso laba arday waxbarasho lacag la’aan ah gaar ahaan kuliyadaha Engineering ah iyo Social Science ka.

Gabagabadii munaasabada waxaa abaalmarino muhiim ah lagu doonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanadii 2014-2015 iyo kuwii ugu fiicnaa xaga wax soo jeedinta iyo qorida majaladaha waxaana munaasabada soo xiray gudoonka waxbarashada degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online