Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo wafdi Mareykan ah ku qaabilay Villa Soomaaliya.

June 4, 2015 - Written by Editor

wafdiMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjire Tina Kaidanow oo ah Xiriiriyaha Hawlgallada la Dagaallanka Argagixisada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.

Madaxweynaha oo kulankaasi ay ku wehliyeen Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye, iyo mas’uuliyiin kale ayaa Danjire Kaidanow uga waramey xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

‘’Aad baan ugu faraxsanahay taageerada uu Mareykanka u fidinayo Soomaaliya, waxaana dhiirigelinayaa in halkaa laga sii wado si mar kale uu waddankeena dib cagahiisa uu isu taago. Horumar badan ayaan ka sameyney dhinacyada siyaasadda iyo nabadgelyada, waxaana dooneynaa in Mareykanka iyo waddamada kale ee Soomaaliya taageera ay yeeshaan iskaashi dhow oo fududeyn kara taageerada ay siiyaan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay si weyn baahi ugu qabto in laga taageero dhinaca dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta xarrumo lagu barto mihnadaha kala duwan, si taasi ay gacan uga geysato dib u soo kabashada dhaqaalaha, shaqo abuurista iyo sugidda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudana Cumar Cabdirashiid oo isna kulankaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhismaha maamullada iyo barnaamijka isku dhafka ciidammada, oo uu sheegay in horumar badan laga sameynayo.

Danjire Tina Kaidanow , ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Mareykanka ay si weyn ugu qanacsan tahay horumarka dowladda Soomaaliya sameyneyso, iyadoo dhanke kalena sheegtay inay sii wadi doonaan taageerada lagu xaqiijinayo in horumarkaasi la sii adkeeyo.

Labada dhinaca ayaa sidoo kale ka hadley baahida loo qabo iskaashi dhow oo ku aaddan la dagaalanaka argagixisada oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyagoo sidoo kalena walaac ka muujiyey xasaradda ka aloosan Yemen oo keeni karta in nabadgelyada gobolka iyo tan caalamka khalkhal uu ku yimaado.

———-DHAMMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online