Madaxweynaha dowladda Puntland oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.[Masawiro]

June 11, 2015 - Written by Editor

QmGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-6-2015 aqalka madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay madaxa howlgalada Qaramada Midoobay ee amniga iyo badbaadinta UNDSS Mr.Nick Loven Teen fadhigiisuna yahay xarunta qaramada midoobay ee New York iyo wefdi uu hogaaminayey.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyey Mr.Nick Loven amaanka iyo horumarka baaxada leh ee kajira Puntland, islamarkaana tilmaamay in maalinba maalinta ka dambaysa ay Puntland ku taalabsanayso horumar dhinac kasta ah oo la taaban karo.

Mr.Nick Loven Teen ayaa dhankiisa Puntland ku amaanay horumarka ay gaartay , waxaana uu intaa raaciyey in Qaramada midoobay ay marwalba garab taagan tahay Puntland kana taageerayso dhinac walba si loo amba-qaado wadada toosan.

Wada shaqeynta dhanka amaanka iyo ladagaalanka urur diimeedka Al-shabaab ee awoodoodu hada sii yaraanayso ayuu balan-qaaday in Puntland ay kaa teegarayaan Mr.Nick Loven , maadama ay Puntland si adag ula dagaalantay kooxdaasi dhabar jab xooglehna u geysatay.

Ugu dambeyn shirkaan oo looga wada hadlay arimo dhowr ah oo muhiim ah ayaa ku soo idlaaday jewi wanaagsan, waxaana loo balamay fulinta qodobada laysla meeldhigay iyo sii wadida taageerada Qaramada Midoobay ee Puntland.

no images were found

DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafint, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online