Madaxweynaha Puntland oo direy hambalyada maalmaha Xornimadda Soomaaliyeed.[Dhagayso]

June 25, 2015 - Written by Editor

IMG_9729Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaali yeed meelkasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyey maalmaha xoriyadda Soomaaliya oo inagu soo aadan , islamar ahaantaana ah maalmo taariikhi ah.

‘’ Waxaan ugu horeyn hambalyeeyn maalinta 26-juun oo ah maalintii ugu horaysay ee dalka laga taagay calan Soomaaliyeed iyo maalinta xigta oo 27-juun ah oo ah maalintii xoriyadda walaalaheena Jabuuti iyo sidookale maalinta 1-da luulyo oo iyana nagu soo aadan ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda reer Puntland u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo , rabina uu ka saaro dhibaatooyinka dalka ka jira .

‘’ Waxaan rajeynaynaa inagoo mid ah Soomaali ah meelna u wada socda in aynu hanano dawladni madeeni iyo qaranimadeeni si buuxda oo wanaagsan , dawladnimo Soomaaliyeed ayaa dhammaanteen ina deeqda ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa sidookale si gaar ah ugu hambalyeeyey shacabka iyo dawladda Jabuuti sanadguuradooda 38-aad ee ka soo wareegatay xornimadoodi.

Hoos ka Dhagayso Hambalyada 26 Jun ee Madaxweyne Gaas uu u diray shacabka Soomaaliyeed

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/yky9fjeu9j/Hambalyo26jun.mp3]

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online