Madaxweyne Gaas oo kula la qaatay ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee QM Mr. Raisedon Zerenga

June 13, 2015 - Written by Editor

IMG_8751Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-6-2015 xafiiskiisa madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zerenga.

Soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxaa ka qeyb qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dawladda Puntland,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, maamulka degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

Intaas kadib ayaa ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zerenga iyo Martidii la socotay waxaa loo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland oo ay kullan gaar ah kula qaateen Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas.

‘’Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno ku xigeenka Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Raisedon Zerenga oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland  ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .

‘’ Waxaana uu noogu yimi inaanu ka wada hadalano xiriirka Qaramada Miboobay iyo Puntland , mashaariicda horumarineed ee ka socda gudaha Puntland, nabad-gelyada iyo taageerada qaramada mibaaysiiso Soomaaliya ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Raisedon Zerenga  ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawada gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaaray mudadii uu hogaanka hayey.

Horumarka balaaran ee laga gaaray kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhanka amaanka Puntland ayuu bogaadiyey Mr. Raisedon Zerenga oo booqashadiisi ugu horaysay maanta ku yimi gudaha Puntland gaar ahaan Caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online