Shirkadda Golis oo deeq lacageed ku wareejiysay Axmedeey Abuubakar.[Masawirro]

June 12, 2015 - Written by Editor

4Boosaaso:-Shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa ambabixisay Axmedeey Abuubakar oo horay u ahaa Fanaan caan ka ah deegaanada Soomaalidu dagto balse markii dambe ka toobad keenay iyadoo ay shiraddu ku wareejisay kharashkii uu ku raaci lahaa diyaarad gayn doonta magaalada Muqdisho isaga iyo qoyskiisaba.

Axmadeey ayaa kamid ahaa dadkii kasoo barakacay dagaalada ka aloosan dalka Yaman waxa uuna mudooyinkii dambe oo uu ka dhex baxay fanka uu dib ugu laabtay mu’adanimo misaajid isagoo ka adami jiray misaajid ku yaala dalka Yaman xili uu waayay aragga isagoo hada ah indhoole.

Madaxa Waaxda Xiriirka dadwaynaha shirkadda Golis Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa ku wareejiyay Axmadeey Abuubakar deeq lacageed oo shirkaddu ugu talagashay inay ugu duulaan magaalada Muqdisho isaga iyo qoyskiisaba.

Axmadee Abuubakar intii uu magaalada Joogayna waa ka warhaynay xaaladiisa kadibna waxa uu noo sheegay inay ku adagtahay inuu dhulka maro maadaama uu yahay nin da’ ah waxana go’aansanay inaan ka bixino diyaaradda isaga iyo qoyskiisa arintaana waxay ahayd waajib na saaran oo aan kasoo baxnay” ayuu yiri Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur.

Axmadeey Abuubakar ayaa dhankiisa uga mahadceliyay shirkadda Golis wanaaga ay u samaysay isagoo xusay inay wax wayn uga dhiggantahay talaabada ay shirkaddu ku ambabixisay isaga iyo qoyskiisa.

Axmadeey ayaa 25kii sano ee ugu dambeeyay ku sugnaa dalka Yaman waxa uuna horay uga mid ahaa fanaaniintii waaberi ee Soomaaliya waxana markii dambe uu go’aansaday inuu ka boxo fanka iyo heesaha islamarkaana ku laabto ma’adanimadii misaajid ee uu markii hore ku hanaqaaday.

no images were found

Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha
Shirkadda Golis Telecom Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online