Soonka iyo sigaar joojinta qaybtii 2aad W/Q Sh Abdirazak Sugulle Mohamed

June 20, 2015 - Written by Editor

Maqaal-300x15811. U tag dhakhtarka ilkaha oo ka dalab in uu kaa naiidifyo ilkaha si looga zuuliyo oo looga tiritiro madowgii iyo wasakhdii ay tubaakadu ku samaysay ilkaha, waxaadna isticmaashaa cadeyga iyo daawada cadeyga, markastana xusuusnoow xadiiskii Nabiga NNKH ee ahaa السواك مطهرة للفم، مرضاة للرب ” Cadeygu wuxuu nadiifiyaa afka, waana mid Rabbi raalli geliya”.

12. Xusuusnoow inaad ku dhex jirto bishii barakaysneyd ee Ramadaan, taasoo ay ka dhalanayso in qofku uu ka tago oo iska daayo waxyaabaha xun-xun ee munkaraadka ah, sigaar kuna wuxuu ka mid yahay waxyaabahaas xun-xun ee dhibaatada leh ee ay waajibka tahay in la isaga tago.

Allaah wuxuu kitaabkiisa ku leeyahay mar uu ka hadlayay arinka dadka mu’miniinta ah ﴿وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَائِثَ﴾ ” waxaa loo xalaaleeyay waxa wanaagsan, waxaana laga xaaraantinimeeyay waxyaabaha xun-xun”

13. Waxaad ogaataa in inta badan wareerka iyo shakigu uu kugu dhalanayo 3-da bilood ah ee ugu horreeysa markaad sigaarka joojiso, waana inaad u diyaar garowdaa sidii aad uga hortagi lahayd duruuf kasta oo kuugu yeeri karta ku noqoshada sigaar cabista sida, wel-wel, walbahaar, madax xanuun, raalli gelin dadkii kale ee kula cabi jiray IWM, iskuna day inaad raadiso wadooyin kale oo aad arinkaas kaga badbaadi karto sida adigoo u taga dhakhaatiirta caafimaadka iyo kuwa cilmimanfsigaba. Ogowna xabad sigaar ah oo aad ku noqotaa in aanay marnaba xal u ahaaneyn in maskixiyan ay kuu dejiso. Sidoo kale xusuusnoow hadalkii Allaah ee ahaa وَمَنْ يَتَّقِ اللهَ يَجْعَلْ لَهُ مَخْرَجاً ” qofkii Allah ka baqa wuxuu u furaa faraj ama meel uu ka baxo”.

14. ka suuli ama ka tirtir maskaxdaada khiyaaligii ahaa inuu sigaarku yahay mid keenaya firfircooni, raaxo iyo feker ama hindisid wax cusub, waayo diraasadaha laga sameeyay sigaarka waxay cadeynayaan inaan warkaasi sax ahayn, balse ay hubaal tahay in laga qaado cuduro xun-xun.

15. Waxaad kaashataa oo miciin ka dhigataa dersiga cajiibka ah ee uu Ramadaanku ku baray, kaasoo ah in qofku uu leeyahay go’aan qaadasho dhab ah iyo doonis weyn oo uu ku joojin karo waxa uu doonayo. Ramadaan waa kan ku baray adigoo cibaadada kaalmeysanaya inaad saacado badan ka qatanaato sigaarka, haddaba halkaas ka sii wad oo salaadda iyo sabirka kalmeyso Ramadaanka kadib.

16. Markaad sigaarka iska joojiso waxaa kugu dhacaya hurdo xumo, daal iyo afka oo ku qallala waayo jirkii ayaa wali waxaa ku jirta suntii sigaarka ee Nikotiinka, haddaba arimaas markay kula soo gudboonadaan la tasho dhakhtarka si aad uga hortagto. Waxaase tijaabo lagu ogaaday in tusaale ahaan qubeys diiran oo la galaa hurdada ka hor uu ku caawin karo. Sidoo kale iska ilaali afurka kadib inaad cabto kafeega, shaaha iyo cabitaanka gaaska leh ee kafeeyiinku ku jiro. Sidoo kale jimicsiyada jirka ee fudud isku day inaad samayso. Iskuna day markasta inaad kaalmaysato xiriirka wanaagsan ee Rabigaa aad la leedahay, cibaadada oo aad badiso, reerkaaga oo aad la kaashato, iyo doonistaada iyo go’aankaaga oo aad ka dhabayso.

Intaa haddii aan kaga baxno talooyinka, bal aan isla eegno Sigaarkaas aan ka soo sheekeynay maxay diintu ka qabtaa, ma xalaalbaa, ma xaaraanbaa, mise waa wax iska bannaan? Dadka qaarbaa waxay xujo ka dhigtaan, Quraanka ma ku taallaa aayad oranaysa ” sigaarka ha cabina”.. waxaan leenahay dadkaasi arinku sidaas ma ahan, ee Quraanka iyo sunnaduba waxay noo dejiyeen qaacidooyin guud oo nolosha qofka bani’aadamku ku socon karto, wixii qaacidooyinkaas la hor yimaadana ay xaaraan noqonayaan..

Quraanka markaan dhankiisa u kacno, Allaah wuxuu leeyahay :- وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَآئِثَ ” waxaa loo xalaleeyay waxa wanaagsan, waxaana laga xaaraantinimeeyay waxa xun”.. Markaa bal is weydii adigu sigaarku ma waxa wanaagsan buu ku jiraa mise waxa xun. Hadday jawaabtaadu noqoto waa waxa wanaagsan, waxa wanaagsan intaan la cunin Bisinkaa lagu bilaabayaae, maxaad sigaarka ugu bilaabi weysay ?,waxa wanaagsan marka la dhammaysto Alxamdulillaah baa la yiraahdaaye, maxaad u oran weysay?, Haddiise uu wax wanaagsan yahay maxaad markaad dhammaysato inta dhulka ku tuurto cagta aad u marainaysaa oo kabta hoosteeda waliba ugu burburinaysaa?, waxa wanaagsan ilmahaaga ayaa la baraaye, maxaad u bari weyday, oo aad waliba uga digaysaa, haddii aadse ku aragto uga xumaanaysaa?.. Waxa wanaagsan masjidka dhexdiisa ayaa lagu cunaaye, maxaa sigaarka u diiday in masjidka lagu dhex cabo, haddu wax wanaagsan yahay.

Diintu waxaa ay ilaalisaa shan waxyaabood oo Maqaasida shareecada loo yaqaan, wixii shantaas waxyaabood ka horyimaadana waa xaaraan, waxayna kala yihiin Nafta, sharafta qofka, caafimaadka, diinta iyo maalka… bal sigaarka intaad soo qabto intaaba u bandhig, kadibna natiijada ka soo baxdaa adigu isdul dhig.

Allaah wuxuu kaloo quraankiisa ku leeyahay :ولا تلقوا بايديكم الى التهلكةNaftiina ha halligina , adna maalin walba waxaad cabbaysaa baakad sigaar ah oo waliba laguu digay dushana looga qoray naftaada ha dilin, sigaarku wuxuu kuu keenayaa cudurka kansarka”.

Nabiga NNKH wuxuu xadiis ku leeyahay مَنْ أكَلَ البَصَلَ، والثُّومَ، والكُرَّاثَ، فَلا يَقْرَبَنَّ مَسْجِدَنَا، فَإنَّ المَلاَئِكَةَ تَتَأَذَّى مِمَّا يَتَأَذَّى مِنْهُ بَنُو آدَمَ». ”Qofkii soo cuna basal, toon yo kuraathka , yuusan naga imaaan masaajideena, waayo malaa’igta waxaa dhibaya waxa bani’aadamku dhibsanayo”.
Allaah baan kugu dhaarshee basal iyo toon oo cunto xalaal ah, ayaa waxaa la leeyahay ninkii soo cunaa yuusan naga iman masaajidda, maxaad u malaynaysaa qofkii sigaar isku soo buufiyay, oo isagoo urkii ka soo kankamayo dadkii tukanayay la soo dhexgalay?!!! Alloow maxaa dad badani ku dhibsanayaan, malaa’igtuna ay ku lacnadaysaa, adna aad salaad iyo kahyr soo doonatay.. Soow kuuma haboona inaad Allah talo saarato oo iska joojiso.

 Qisooyin ku dayasho mudan ( anaana u soo joogay oo ma ahan wax la iiga sheekeeyay:

IBraahim… Waxaa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalkan Finland, wuuna soo islaamay oo wuxuu la baxay magacaas Ibraahim. masjidka ayaa la iigu keenay markaan shahaadada u qabtayna, waxaan u bilaabay kitaab caqiido ah oo uu leeyahay Sheekh Bin Baaz Allaha u naxariistee. Ibraahim sigaarka ayuu aad u cabbi jiray, si waliba aan aad u dhibsanay aniga iyo raggii kale e walaalaha ahaa ee duruursha siin jiray, waxaanse ku go’aansanay in aanaan kala hadlin mowduucan sigaarka maadaama uuba cusub yahay, balse duruusahan aan siino. Muddo 7 cisho ah kadib, ayuu markii aan dersiga u dhammaynay wuxuu yiri : suaal baan ku weydiin, waxaan ku iri soo dhowoow, wuxuu yiri: maxaad idinku sigaarka u cabi weyseen oon anigu u cabaa?, waxaan ku iri sigaarku diinta kuma banaana oo sababtaas awgeed qofka mu’minka ah waxay diintu ka xaraantinimaysay waa inuu ka joogsadaa oo uu u hogaansamaa. Wuxuu yiri maxaa u daliil ah?, waxaan u sheegay oon ku akhriyay intii aan hadda kor ku soo xusnay oo daliil ahaa. Kadib wuxuu yiri, haddaba haddii warku sidaa yahay waa inaan go’aan gaaraa oo siagaarka joojiyaa. Xilligu wuxuu ahaa xagaa, maalinku dheer yahay wadamadan, oo makhribka la tukado 23:00. Galabtii danbe ayuu waxaa noo yimid ninkii oo soomaan, markiii afurka la gaarayna wuxuu ku afuray xabad buskud macmuuul ah iyo dhalo faanto ah, wuuna diiday in raashin kale uu cuno. Mid walaalaha ka mid ah ayaa u soo jeediyay bal inta uu ka go’ayo sigaarka inuu badsado cunista xanjada iyo Nanaca, wuxuu ugu jawaabay, Haddii aad go’aan qaadato waa in laga dhabeeyaa, marka xanjo iyo nanac kuma xirnee, anigay igu xiran tahay. Toddoba maalmood oo sooon xiriir ah kadib, walibana waqtigiisu dheeryahay, ayuu maalinkii 8-aad inta soo qubaysatay noo yimid oo nagu yiri , hadda ii qabta shahaadada maanta wixii ka bilowda ayaan muslim ahay, waayo buu yiri, intiii hore anigoo Allah caasinaya ayaan haddana muslinimo sheeganayay. Waxaan weydiinay, maxaa isbedel ah oo dareentay ?, wuxuu yiri: Islaamka macaankiisaba maantaan dareemay, horta lacagtii baa ii dhaqaaloowday, cibaadadii baa ii macaanaatay, waxaanan ogaaday in urkaygu uu dhibayay muslimiinta iyo malaa’igtaba.

2.Qisada labaad waxay ku saabsan tahay walaal ka mid ah walaalaha muslimiinta ah ee ajaanibta ah ee xaafadda aan wada deganahay. Waa nin jamaacada iyo salaadda aad u ilaaliya, masjidka ku xiran, laakiinse waxaa lagu ibtileeyay oo uu aad u cabbaa sigaarka. Si kastaba waan ula hadlay kor iyo hoosna waxbaan ugu sheegay, balse waxaa ii sooo baxday in ay adag tahay inaan ku qanciyo sigaar jooojinta, oo wuxuu daliil iiga dhigtay ma dayn karoo waxaan cabayay 40 sano ku dhawaad.

Muddo dhexdeer ahayd ayaan waayay ninkii, markii aan weydiiyay dadkii ayaa la ii sheegay in isbitaal la dhigay oo maalin dhaweyd degdeg loo qaaday, Kadib aayaan u tagay oo soo booqday, wuxuuna ii sheegay in laga helay wadno xanuun, nooca halbowlayaasha xirma, tuubana loo soo geliyay wadnaha si loo ballaariyo, wuxuuna igu yiri, waxaan kuugu bishaaraynayaa inaan sigaarkii joojiyay oo muddo aananba cabin,, balse buuu yiri, waanadaadii haddaan mar hore yeeli lahaa, sidan ma ay dhacdeen, oo maanta wa dani ku biday iyo khatar aan naftayda galiyay.

Walaalayaal waxay ila tahay intaas cibro noogu filan, ee qofkii ku imtixaaman sigaarka, intaad Allaah talo saarato, go’aan dhab ah qaadato, ka faa’iidayso bisha Ramadaan oo jooji sigaarka.

Halkan ka Akhriso qeybtii koowaad Soonka iyo Sigaarka

Abdirazak Sugulle Mohamed
Finland , Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online