Soonka iyo sigaar joojinta qeybta 1aad iyo 2aad W/Q Sh Abdirazak Sugulle

June 20, 2015 - Written by Editor

sigaarIyadoo ay jirto in bisha barakaysan ee Ramadaan ay wadato risaalo weyn oo nafta ku tarbiyaynaysa Alle ka cabsi, hufnaan iyo in ay naftu u gudubto xaalad ka wanaagsan tii ay ku sugnayd Ramadaanka Ka hor, ayay haddana waxaa ay tahay munaasabad looga bixi karo amaba looga takhallusi karo caadaadka xun-xun. Si kale haddii loo dhigo waxaan oran karnaa waa kacaankii sixitaanka ee habdhaqanka nolosha qofka muslimka ah, waa fursad qaali ah oo nolosha lagu habayn karo, laguna kaalmeyn karo in ay ka baxdo qaskii iyo fowdadii ay ku jirtay Ranadaanka ka hor.

Bisha Ramadaan waa tan dersiga muhiimka ah u noqotay in naftu ay gaari karto go’aan ay ku muujinayso awoodeeda ah in waxa ay doonayso ay ka dhabeyn karto, iyo in sidoo kale naftan aysan ahayn wax iska socda oo la sii daayay, ee uu jiro Rabbi xisaabinaya oo u qabanaya wax Kasta oo camal ah oo ay samaynayso.

Haddaba Walaalayaal sigaarku wuxuu ka mid yahay caadaadka xun-xun ee nafaf badan lagu ibtileeyay, waa dhaqan aan wanaagsanayn oo diini aanay ogolayn, iskaba dhaaf caqliga saliimka ahe. Waa arin dhib aan la soo koobi karin ku haya nafta, caafimaadka iyo maalka. Sida tirakoobyadii ugu danbeeyay cadaynayaana xiriir xoog leh ayaa ka dhexeeya sigaar cabista iyo dhammaan noocyada kala duwan ee kansarka ku dhaca jirka. Waxaa kaloo ay tirakoobyadu caddeynayaan in sannad la arkaa malaayiin dad tiradoodu kor u dhaaftay ay u dhintaan sigaarka oo uu naftoodii galaaftay, kuwaasoo dad’doodu u dhaxayso 34-60 jir.

Wax kale iskaba daayee xitaa ilmihii yaraa oo caloosha hooyadood ku jiray kama aanay badbaadin sigaarkii, oo hooyada uurka leh ee sigaarka cabtaa wuxuu saamayn ku yeelanayaa ilmaha caloosheeda ku jira.

 

Ujeedadaydu ma ahan inaan halkaan kaga hadlo dirasadaha caafimaad ee la xiriira khatarta sigaarku leeyahay ( arinkaas dhakhaatirta ayaan u daayay), laakiin waxaan halkaan ku soo bandhigi doonaa qoraal taxane ah oo aan uga gol leeyahay sidii uu qofku isaga joojin lahaa sigaar cabista, iyadoo aanu ka faa’iidaysanayno fursaddaan Ramadaanka oo isugu jirta mid ah Alle ka cabsi, towbad nasuux ah, naftii oo kheyrka u bisil, xumaantii oo ay ka hufan tahay, iyo rabitaankeeda oo ay ka dhabeyn karto..

Haddaba su’aashu waxay tahay sidee baan isaga joojiyaa sigaarka ?

waxaa suuragal ah adigoo Allaah tala saaranaya , haddii aad raacdo tallaabooyinka soo socda in aad Allaah idankiis ka takhalusto sigaar cabista :

  1. Marka hore qaado go’aan dhab ah oo ka soo go’ay laabtaada, kaasoo aad ku doonayso inaad ku joojiso sigaarka, Allaahna wuxuu kitaabkiisa ku leeyahay

{إن ذلك لمن عزم الأمور}Waa arimo iyo howlo mudan in la ilaaiyo ama go’aan dhab ah laga qaato”.

  1. Waqti cad u qabso sidii aad ku joojin lahayd sigaarka, waliba sida ugu dhakhsaha badan, naftaadana ha ka ogolaan in ay dib dhigis kuugu sheekeyso, waayo taasi waxay saamayn ku yeelanaysaa shakhsiyadaada iyo go’aan qaadashadaada. Ogowna ereyga ah ” Waan samayn doonaa ” ama afka carbeed ah ”سوف” waa mid ka mid ah askarta ugu waawayn ee Ibliis ku adeegto, si qofka muslimka ah uu khayrka dhan kastaba uga reebo, sidaasna waxaa yiri Ibnu qayim Aljawzi Allaha u naxariistee.

 

  1. Allaah talo saaro oo si daacad iyo ikhlaas ku dheehan u bari oo u weydiiso inuu ku siiyo awood iyo towfiiq aad arinkaasi kaga guul gaarto.Nabiguna NNKH wuxuu yiri : “إذا سألتَ فاسْألِ الله وإذا استَعَنتَ فاسْتَعِنْ بالله” Haddii aad cid wax weydiisanayso Allaah weydiiso, haddii aad cid kaalmaysanaysana Allaah kaalmeyso”.

 

  1. Mar walba hortaada keen oo suurayso khatarta ay leedahay sigaar cabista, daawo cajaladaha iyo sawirada laga duubay arinkaas. Xusuusnowna mar kasta in Allaah ku weydiin doono maalinka Qiyaamaha caafimaadkaaga, cumrigaaga iyo maalkaagaba.

 

  1. Isku day inaad hesho mid ka mid ah saaxiibadaada aad sigaarka wada cabtaan (qaraabo, saaxiib, macrifo kuu doonaba ha ahaadee) kaasoo aad isku ballansataan inaad sigaarka joojisaan. Arinkaasina waa mid aad khayrka dadka ugu yeereyso, adigana kugu dhiiri gelinaya inaad ka dhabayso joojinta sigaarka, horaana loo yiri ” qofku wuxuu u ku jiraa oo qof ku yahay walaalihiis kale ee naftiisa kaliya mahan waxa uu ku taagan yahay”. Allaahna wuxuu kitaabkiisa ku leyahay ”وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ” ”Isu kaalmeysta wanaagga iyo alle ka cabsiga, ee ha isu kaalmeysanina danbiga iyo cadaawadda”. Nabiguna NNKH wuxuu yiri ”مَنْ دَلَّ عَلَى خَيْرٍ فَلَهُ مِثْلُ أَجْرِ فَاعِلِهِ” ”Qofkii qof kale kheyr ugu yeera wuxuu leeyahay ajarkiisa oo kale”.
  2. Iska ilaali oo ka digtoonoow saaxiibadaada isku dayaya in ay kaa banjariyaan ama kaa dhiciseeyaan go’aan qaadashadaada sigaar joojinta, oo kuwaa ka fogoow kana digtoonoow. Nabiguna NNKH wuxuu yiri ” ” الْمَرْءُ عَلَى دِينِ خَلِيلِهِ ، فَلْيَنْظُرْ أَحَدُكُمْ مَنْ يُخَالِلُQofku wuxuu yeeshaa oo diin iyo dhaqan u noqda waxa saaxiibkiis yahay, ee qof walboow ka fiirso cidda aad la saaxiibayso”.

 

  1. Go’aanka aad qaadatay gaarsii xaaskaaga ( waa haddii aad xaas tahay), iyo dhammaan xubnaha reerkaaga, aabahaa, hooyadaa iyo walaalahaa, waxaa hubaal ah in ay kugu dhiiri gelin doonaan. Dhiirigelintaasina dhinaca nafsaaniyad ahaaneed waa masdar ama il muhiim u ah go’aankaaga aad qaadatay inshaALLAAH

 

 

  1. Go’aan ku qaado in lacagtii aad maalin walba sigaarka ku gadi jirtay aad si joogto ah ugu sadqaysato fuqarada, masaakiinta, agoonta, ama haddii aad dhulalka galbeedka ee aan intaasiba laga heleyn joogto aad si toos ah maalin walba qadarkaaas lacagta ah ugu shubto akoonka masjidka kuugu dhow ama aad ku xiran tahay ee xubinka ka tahay, taasina waa sadaqo kuu hormartay denbi dhaafna kuu noqonaysa. Allaahna wuxuu kitaabkiisa ku leeyahay وَمَا تُقَدِّمُوا لِأَنفُسِكُم مِّنْ خَيْرٍ تَجِدُوهُ عِندَ اللَّهِ هُوَ خَيْرًا وَأَعْظَمَ أَجْرًا ۚ” ”Wixii kheyr ah ee aad naftiina u hormarsataan ood ula baxdaan, waxaad Allah agtiisa ka heleysaan iyadoo ka khayr badan kana jar badan”.

 

  1. Ka faa’iidayso bishan barakaysan ee Ramadaan si ay u noqoto mid kuu xoojisa go’aan qaadashadaada. Noqona mid Allahiisa abuuray u dhow , ogna inuu ilaashanayo, xusuusan mar kasta hadalkii Allaah ee ahaa ” مَا يَكُونُ مِنْ نَجْوَى ثَلاثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمْ وَلا خَمْسَةٍ إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمْ وَلا أَدْنَى مِنْ ذَلِكَ وَلا أَكْثَرَ إِلَّا هُوَ مَعَهُمْ أَيْنَ مَا كَانُوا ثُمَّ يُنَبِّئُهُمْ بِمَا عَمِلُوا يَوْمَ الْقِيَامَةِ

” ma jiro kulan sir ah ama faq ah oo ka dhexeeya saddex,oo uusan isagu ahayn kooda afaraad ( wuxuu kula jiraa oo uu kula joogaa cilmigiisa iyo ogaalkiisa, isagoo naf ahaantiisa ka kor ah carshiga, ka korreeya todobada samo), oo ma jiraan shan uusan ku ahayn kooda lixaad (cilmigiisa), oo ma jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu ku wehelin iyaga (cilmigiisa) meel ay joogaanba. dabadeedna maalinta Qiyaamaha waxaa uu uga warrami doonaa wixii ay faleen”.

 

  1. Waxaa kugu dhalan doona ama kugu bilaaban doona siraac ama dagaal nafdasdaada dhexdeeda ah oo naf iyo shaydaanba ay kugu qaadi doonaan, kaasoo ah in aad sigaarkii dib u bilowdo ood ku noqoto, haddaba xusuusnoow mar katsa hadalkii Allaah ee ahaa ”إن الذين اتقوا إذا مسهم طائف من الشيطان تذكروا فإذا هم مبصرون”xaqiiqdii kuwa suubanayaasha ah ee Allaah ka dhowrsada, markii ay fikrad xun uga timaaddo shetdaanka, waxay xusuusan Allaah, oo dhabtii ay iyagu markaas arkaan sida toosan”.
  2. Sidoo kale xusuuso hadalkii Allaah ee ahaa وَإِمَّا يَنـزغَنَّكَ مِنَ الشَّيْطَانِ نـزغٌ فَاسْتَعِذْ بِاللَّهِ, ”Haddii uu sheydaanku isku dayo inuu was-waas ku tuuro, markaa Allaah ka magangal.”

 

Halka ka Akhriso qeybta labaad Sigaarka iyo Soonka

 

Abdirazak Sugulle
<sugulle3@yahoo.com>

Leave a comment

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online