Tartankii 3aad ee Quraanka kariimka oo ay qabteen Majliska Albayaan ee Koonfur Afrika oo soo gabagaboobay.[Masawiro]

June 29, 2015 - Written by Editor
IMG_4259Johannesburg:-Waxaa soo gabagaboobay maanta 28/06/2015 oo ku beegnayd 11/9/1436h, Tartankii saddexaad ee Quraanka kariimka oo ay qabsato jaaliyadda soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, kaasoo soo bilaabmay 9/9/1436h kuna beegnayd 26/06/2015.
Tartankan waxaa soo qaban qaabisa sannad walba Majliska Albayaan al Islaami ee Koonfur Afrika, ayadoo ay ka soo qayb galaan madaarista soomaaliyeed iyo walaalaha muslimka oromada madaaris tooda ee ka jira waddankan. Sannadkan waxaa ka soo qayb galay 38 arday oo ka kala socday 11 madaraso quraan.
Waxaa lagu tartamayay 30 ka Jus, 20ka Jus, 10ka Jus, 5ta Jus iyo 1ka Jus,  run ahaantii caruurtii ka qayb gashay tartankan waxay muujiyeen wacdaro aad u yaab badan, halkaas waxaa ka muuqday dadaalka ay macalimiinta iyo waalidkuba bixinayeen, ayadoo ay dadkani ku nool yihiin waddan qurba ah, isla mar ahaantaana muslimku uu ku yahay aqaliyo.
Tartanka waxaa soo baxayay qolo walba saddex qof ee ugu buundo badan, halkaasoo ay guushii ku raacday 15 arday ka mid ah 38 dii ku tartamaysay goobta, horraa loo yidhi, gari laba nin kama wada qosliso.
Waxaa ku guulaysatay gabadh ka socotay madarasada Ubaya Ibnu kacab ee Markazka Al-Huddaa ee magaalada Rutenburg.  Waxaan Alle ooga baryaynaa in caruurtaa, waalidkooda, iyo macalimiintii ku soo dadaashayba uu miisaanka xasanaadkooda ugu daro maaalin ay uga baahi badan yihiin.
Waxaan mahad oo dhan u celinaynaa Alle oo inoo suuro galiyay qabsoomidda iyo dhamaanshaba.
Waxaan kale oon u mahad celinaynaa cid walba oo ka qayb qaadatay qabsoomidda tartankaan Alle ayaana idiin abaal gudi kara, waxaanse idin leenahay Jasaakumullaahu khayran.

no images were found

Waaxda Warfaafinta ee Albayaan 
Johannesburg

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online