Waa Barnaamijkii ” Afuri oo Ajar Hel” Sh Calinuur Xoogsade

June 18, 2015 - Written by Editor

IMG-20150617-WA0022Muqdisho:-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagaga dhawaaqay gudi la magac baxay Gudiga Afurinta oo uu Gudoomiye kayahay Sheekh C/fataax Xasan Shimbirow, ayadoo gudigan shaqadiisu tahay inuu bulshada ku dhiirigaliyo in la sameeyo iskaashi gacana lagageysto wax u qabashada dadka masaakiinta iyo barakacayaasha ah inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Gudigan ayaa barnaamijkiisa halqabsi uga dhigay “Afuri oo Ajar Hel” waxaa uuna gudigan ku qiimeeyay qiimaha qof baahan lagu afurin karo maalintiiba 2$ Doolar taasoo macnaheedu yahay in 60$ doolar bisha dhan afurinkarto 120 Doolarna laba qof Bisha oo dhan.

Gudigaan oo maanta oo arbaco ah lagaga dhawaaqay Muqdisho waxaa ay Barnaamij gaar ah ku qabteen Idaacada Alnuur ayadoo ay dadweynuhuna qadadka Teleefoonada sitoos ah talooyin iyo su’aaloba ka soo gudbinayeen islamarkaana aad u soo dhaweeyeen Barnaamijkan maadaama uu yahay mid sahlaya in bulshadu noqoto mid iskutashta.

Intii uu socday Barnaamijka ayay Gudiga Afurinta soo bandhigeen qorshaha iyo qaabka ay bulshada uga qeyb qaadan karto ayagoo u soo diyaariyay Telofoon si toos ah.

Gudigaan waxa uu bulshada ku wargaliyay in ay lacagaha afurka ugu tala galeen ku soo diri karaan Telefoon numbarka ah 0619250000 kaas oo leh adeega loo yaqaan “EVC” si ay bulshada uga qeyb qaataan barnaamijka ayagoo guryahooda iyo shaqooyinkooda joogaaa islaa maarkaaana Guddigan waxa ay ka sameeyeen Salam Bank Account No: 30325291 si hadii Qurba joogta ama dadka leh Akounada gudaha ugu soo gudbin karaan wixii ay sadaqadaas u soo qorsheeyaan.

Dadweynahii dhageysay Barnaamijka bandhigiisa ayaa waxay durbadiiba bilaabay inay lacago kusoo diraan nambarkii la siiyay taasoo muujinaysa in bulshadeenu yihiin dad wanaaga u diyaar ah laakiin aan helin inta badan dad si hagaagsan ugu adeega.

Waxaa sidoo kale jira doona Guddiyo hoosaadyo u xilsaarnaan doonta diyaarinta ama ka warkeenida goobaha lagu afurinayo dadka masaakiinta ah iyo diyaarinta agabkii loo baahnaa si hadba wixii soo aruura loogu sii howl bilaabo.

Gudiga Afurinta waxay Idaacada baaq uga direen dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan inay fursad u heystaan inay kaalin ka qaadan karaan Dal gudihiisa iyo Debadiisa meel ay joogaanba.

Sh C/fataax Xasan Shimbirow  Gudoomiye +252618000005

Sh Calinuur Axmad Xoogsade   Xoghaye      +262616662564

Waxaana gudigan xubno ka ah Culumo, Ducaad iyo Dhaqan sida:Sh Maxamuud Abuu Sheybah, Sh Maxamad Muuse, Ugaas Mahad Ugaas Maxamad iyo Agaasimaha Radio Al Nuur C/Caziiz Cali Xasan.

no images were found

W/Q: Sh Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online