Wasiirka G/dhiga DFS oo canbaareeyey weerarkii lagu qaaday Saraakiisha Emirate-ka.[Masawiro]

June 24, 2015 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh.Cali Diini, ayaa si adag u canbaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil Imaaraati ah oo tababara Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Weerarkaasi fulaynimada ah oo ay ku dhinteen dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidanka Dawladda, ayaa Wasiirku ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha UGUS ku laayeen dad muslimiin ah oo sooman.

Wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, waxa uu wacad ku maray in kooxaha argagaxisada ah ee falalka gurracan ka wada dalka laga qaadi doono tallaabo adag oo looga sifaynayo dalka, waxana uu intaa ku daray in la bilaabi doono guluf iyo hawlgalo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo meelaha kooxahaasi kaga harsan yihiin dalka Soomaalia si aysan shacabka Soomaaliyeed iyo Dawladoodu mar kale dhibbane ugu noqon weerarada kooxahan qaba aragtida ciriiriga ah.

Wasiir Diini oo booqasho ku tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa ciidanka qaranka iyo shacabka Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkaasi, isagoo inta dhawaaca ahna u rajeeyey inay si degdeg ah u bogsoodaan. Wasiirka oo xaruntooda booqasho ugu tegay saraakiisha Imaaraatiga ah ee lala damacsanaa weerarkan, ayaa sheegay in weeraradan oo kale aysan baqdin gelin doonin Dawladda Soomaaliya iyo dadalka walaalaha ah ee taageeraya dalka xilligan adag ee hiil iyo is barbartaag uu u baahan yahay.

Wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo weerarka ka hadlaya waxa uu yiri: “Maanta waxay kooxaha argagaxisadu weerareen kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil tababarayaal Imaaraati ah oo gacansiiya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Weerarkaasi lagama gaarin wax ujeeddo ah aan ka ahayn in meesha ay ku dhinteen askar geesiyaal ah oo Soomaaliyeed iyo shacabka goobta ka ag dhowaa.

“Weerarada kooxaha sharka iyo argagaxisadu Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ka weecinayaan tubta horumarka iyo dib-u-dhiska, waana laga guulaysan doonaa kooxahaasi xilliyada soo socda ee dhow, iyadoo dhowaan la bilaabi doono hawlgalo looga sifaynayo meelaha ay kaga harsan yihiin dalka.

Kooxdan waxay mar kale caddaysay in aysan ku abtirsan oo sal ku lahayn diinta Islaamka, waxayna bil Ramadaan oo dadku sooman yahay ay dalka ku daadinayaan dhiig dad Muslimiin ah oo Soomaan.

“Tacsi ayaan u dirayaa ciidankii geesiyaasha ah ee ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliya ee weerarkaasi ku dhintay, waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa intii shacab ahayd ee aan waxba galabsan ee ku dhintay weerarkaasi fulaynimada ah.

no images were found

DHAMMAAD
Twitter:@MinisterDini

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online