200 oo Hooyo oo loo soo Gabagabeeyey tababar ku saabsan nolosha Qoysnimo.[Masawiro]

February 17, 2016 - Written by Editor

5Laascaanood:-Tababarkan oo loo qabtay Hooyooyinka magaalada Laascaanood ee xarunta Gonolka Sool ayaa lagu barayey nolosha Lamaanaha iyo fahanka nolosha qoysnimo ee ay ku dhisan tahay qoyska iyo labada isku dhaxay ee nolosha wadaaga. Sideed maalmood oo uu socday Tababar kani ayaa waxaa lagu siiyey Casharo ay ka mid yihiin:-

1.Sidii uu noqon lahaa Qosyku Qosy ay degen taahy Noloshiisa.

2. Fahanka Nolosha Wada raaxaysiga Lamaanaha iyo saamaynta uu ku leeyahay nolosha.

3.Maamulka Dhaqaalaha Qosyka.

4. Qaangaadhnimada Caruurta ,Caqabadeheeda iyo Sida loo daaweeyo.

5. Ninka Waxa uu ka doonayo Afadiisa iyo Xuquuqdiisa.

6. Is fahanka Lamaanaha iyo Fahankeeda.

7.Siday isaga ilaalin lahayd haweenaydu Masayrka iyo dhibaatadeeda.

8.Ilaalinta Haweenayda Jidhkeeda iyo fahanka Isqurxinta sharciga waafaqsan.

Intii uu Tababarkani u socday waxaa la waydiiyey Su’aalo ku saabsan nolosha iyo hadba mawduuca Xilligaan laga hadlay , iyadoo ay si wayn uga faa’idaysteen qoysaskii ka soo qayb galeen.

Gudoomiyaha Golaha Hablaha ee Ardayda ka baxday Machadka Al-furqaan Khadra Xassan Ibraahim ayaa sheegtay in Tababar kani la qabto sanadkii labo mar , iyadoo ay ugu tala galeen in ay bulshadooda ugu adeegaan , qoysaskana looga haqabtiro dhibaatooyinka qosnimo ee ku soo noqnoqda lamaanaha nolosha wadaaga.

Golaha Habalaha ee ardayda ka baxday Machakda Al-furqaan ayaa ka shaqeeya si la mid ah Golaha wiilasha ee ardayda ka baxdya Machada Al-furqaan Dacwada iyo Horumainta.

Hoos ka Daawo 200 oo Qoys Oo Hooyooyin ah oo loo soo Gabgabeeyey tababar ku saabsan Nolosha Lamaanaha.‏

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online