Al-shabaab oo la wareegay gacan ku haynta magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose
February 5, 2016 - Written by EditorMarka:-Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab ay la wareegeen magaaladaasi ka dib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay halkaas iskaga baxeen. Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ay si buuxa ula wareegeen ururka Al-shabaab waxaan ay fariisamo ka samaysteen fariisamihii ciidanka AMISOM ay deganaayeen iyo kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya walow inta aysan tegin ciidanka Al-shabaab ay fariisamihii AMISOM ay bililiqaysata dad shacab ah.
Magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa in mudo ah waxaa gacanta ku hayey cidanka AMISOM oo dhib badan ay kala kulmay dadka shacabka ah oo marar badan ay isku dhaceen , ka bixitaanka Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dad badan oo odorosa siyaasada Soomaaliya waxaa ku sheegeen in ay tahay dhaqan lagu bartay ciidamada shisheeyey ee jooga gudaha Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net