Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan DFS oo ka socda degmada Cadaado
February 22, 2016 - Written by EditorCadaado:-Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado oo xarunta KMG u ah Gal-Mudug ayaa sheegaya in duleedka degmada Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud uu ka soconayo dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaala Soomaaliya ayaa ilaa intii ay dhistay maamulka Gal-Mudug ee uu madax weyaha ka yahay Cabdikariim Xuseen Guleed waxaa ay degmada Cadaado keeneen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamadii Gal-Mudug. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu sabab u ahaa muran ka dhashay lacago Mushaar ah oo Ciidanka looga keenay magaalada Muqdsho
Ilaa hadda lama oga sababaha dhaliyey dagaalka iyo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaaray ciidamadaaan ka tirsan dowladda federaalka soomaaliya ee dagaalku ka dhex socdo, ma jiraan masuuliyiin ka tirsan owladda Federaalka soomaaliya iyo Gal-Mudug oo ka hadlay dagaalka socda.
A/cawaale
Halgan.net