Garnaqsi Waxaa Tiriyey Sh Maxbuub A/llahi Mohamad
February 25, 2016 - Written by EditorMaansadan oo magaceedu yahay “ garawsi” waxa tiriyay Sh Maxbuub A/llahi Mohamad oo ah Imamka Masjidka daaru salaam ee magaalada Barnesville, waxayn falcalin u tahay maanso magaceedu ahaa “Gocasho” oo uu tiriyay Dr Khadar Jama oo iyaduna texraacaysay maano uu turiyay Dr A/Qabi Beder oo uu ku magacaabay “Giraan”
1: Maansadan guuraysa ee
2:Murtidu kugadaafantahay
3:ee abwaan kii gaamuriyo
4: diktoorkii soo gingimay
5: ee Guyaal wixii soo dhaciyo
6: Gorfaynaysa dhinacya badan
7: Bal aan galo xaajadeed
8: Dadkaa hor u guuray ee
9: Intay geed sare koreen
10: Guryaha ka samaystayee
11: Ku guuraya dayax gamceed
12: Gaal iyo muslim waa u marag
13: Badwaynta kuwaa galee
14: Gunteeda u dhaadhacee
15: Wixii macdan gaaxsanayd
16: Intay hawlyari gurteen
17: faqriga dabar goynayana
18: Garaad bay maalayaan
19: Dunidu inay geedi tahay
20: Gadaal wixii tagay u noqon
21: quruumihii guuray iyo
22: guyaasheenaa kordhiyo
23: duqayti gabawday iyo
24: Diyaarado guuxayiyo
25: guriga internet ka iyo
26: Geerida dhici baw maragah
27: Giraanta halkii banaan
28: Cid gooniya oo natidhi
29: Girkaasaad leedihiin
30: aday kuu galuubantee
31: ninyohow iska gaantif soco
32: Anigu gacallow ma ogi
33: Garaad kay wuxuu iyidhi
34: Aduunyadan guurtayee
35: caraabaha geediga ah
36: Ninkii geed seexday ee
37: Garaadkiisii dayacay
38: Giraantu ka buuxsan too
39: aduun wuu kalagalbaday
40: Hadaanse geel jire sidii
41: Intuu geel galab kalumay
42: Guntiga kor u jiitayoo
43: Geedaha ka dul boodayoo
44: Innaba gaabis aan kujirin
45: Guntiga u maroorsanoon
46: Garaad keen maalo oo
47: Gadaal socod diidna oo
48: Ilaahay garab sanoo
49: Talada wada goosanoo
50: Guyaal badan kii jirayna
51: Garaadkisa xoorinaa
52: Giraanta in aan heloon
53: Gadaafkeeda laacno oon
54: Karkaarada goosanaa
55: Malaha way suura gali
56: Haduu muslim gamasanaa
57: Guyaal badan uu hurdiyo
58: khilaaf kala gaabiyiyo
59: Ku gawriirsaday xanuun
60: Miyuu haatan galalaflayn
61: Anigoo gaban oo yaroo
62: Gu gayguna aad u badan
63: Garaad kayguna yaryahay
64: hadoon gadh madoobe ahay
65: Cirradu geesaha katimid
66: Ma arag muslim gaafayoo
67: Giraanta wareejiyoo
68: Garaad kooda maalayoo
69: Intay xaajada galeen
70: Gudoonsaday teeda wacan
71: Gugii todobaatankii
72: Culimadii gobolada xijaaz
73: Culuumta ka soo guree
74: Guryaha ula soo noqdee
75: Hadana gobolada u diray
76: waa kay geesiyaal noqdeen
77: Kitaabkaan gaboobiniyo
78: markay siiradii galeen
79: Waakii gabdho aad u badan
80: Xijaabkii wada gashaday
81: Rag doorihi gaabsadeen
82: Surwaal kii gabaxsanaa
83: Guyaashaa say ahayd
84: Markaan so garwaaqsadaba
85: Intaan goonyaha dayoon
86: Madaxa geesaha u ruxo
87: Yaan gamiin sii fooraraa
88: Wixii dacwadii gabree
89: Dadkeedii gabaweree
90: Sidii gabadh guun ahoo
91: Intay dhawr gaban dhasho
92: hadana sii gulaalantoo
93: Galofowday saban kadhigay
94: Miyaan dib u gaar daynaa?
95: Dhulkaa kala go ahayee
96: Garaadada iyo suldaan
97: Intuu gaal soo askumay
98: Ku wada gaylami qabiil
99: Galbeedku mid uu watana
100: Gorfaynaayo xaajadii
101: Gadii aan hore u idhi
102: Ayaa lagu goobayaa
103: Gabdhaheenaa silcee
104: ragoodii intay gabeen
105: Ku gabawareen meel cidlah
106: ee dunida guudkeeda iyo
107: qurbaha goolaafayee
108: Ilmadu gobo’ laynaysana
109: anagay garab nagasugaan
110: Sirqadan gaangaanbinee
111: Tilaabada gaabisee
112: Intay gabadh, wiil lahayd
113: Badwayn ku go’ doonsantahy
114: Iyana garab bay sugtaa,
W/tiriyey Sh Maxbuub A/llahi Mohamad