Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Kuwait (Masawiro)

February 26, 2016 - Written by Editor

MUS_6007Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo dalka Masar uga qeybgalay shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha Carabta ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Kuwait.

Kulankan oo ka dhacay qasriga Neyl ee uu Guddoomiye Jawaari ka degan yahay magaalada Qaahira ayey labada Guddoomiye Baarlamaan uga wada hadleen xiriir, iskaashi iyo wada shaqeyn dhex marta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Kuwait.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kuwait Marzouq Ali Alghanim oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey guullihii ugu dambeeyey ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaanna dhinaca sharci dejinta oo ah shuruucdii ugu dambeysay ee uu Baarlamaanka ansixiyey sida sharciga maalgashiga shisheeye iyo ka hortaga lacag dhaqidda waxaana uu dhankiisa sheegay in uu diyaar u yahay abuurista iskaashi iyo wada shaqeyn ay yeeshaan labada Baarlamaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”oo isna ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay in uu diyaar u yahay wada shaqeyn iyo iskaashi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la yeesho Baarlamaanka dalka Kuwait, sidoo kalena waxa uu uga mahad celiyey bogaadinta loo sameeyey Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Guddoomiye Baarlamaan ayaa qalinka ku wada dugay wada shaqeyn iyo wax wada qabsi waxaana uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ka guddoomay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kuwait Marzouq Ali Alghanim casuumaad loo fidiyey ayadoo si loo dhaqan geliyo waxyaabihii lagu ballamayna ay dhowaan wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya booqasho ku tegi doonaan dalka Kuwait.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online