Issimada Puntland oo si adag u diiday 4.5 ka dib kulan ka dhacay xarunta PDRC.
February 8, 2016 - Written by EditorWararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in maanta Issimada Puntland ay kulan ku yeesheen magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta PDRC.
Kulanka ayaa waxaa ay isimada uga hadleen nidaamka 4.5 waxaana ay si adag u diideen go,aamadii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga ee lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo dhamaan go,aanadii ka soo baxay.
Issimada iyo Cuqaasha Puntland ayaa taageeray mowqfka madaxweynaha Puntland waxaana la filayaa in Issimada mowqifkooda u gudbiyaan wafdiga beesha caalamka ee birito ku soo wajahan magaalada Garoowe.
Magaalada Garowe ayaa maalmahaan waxaa ka socdey kulamo loogu diyaar-garoobayo booqasho madaxda beesha caalamka ee rabta in ay Puntland ku qanciso go,aamadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga ee lagu qabatay Xamar.
Xubnaha Beesha caalamka ayaa tageerey go’aana xukuumada madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo R/W Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke taas oo ka careysiisay Madaxada maamulgobaleedka Puntland .
Ilaa haatan lama saadaalin karo kulanka dhexmari doona wafdiga beesha Caalamka iyo Puntland iyo wax ka soo bixi doona.
M_M Deeq
Halgan.net