Kusimaha Madaxweyaha Dawladda Puntland oo Maanta dhaga dhigay dhismayaal waxtar u leh Bulshada
February 23, 2016 - Written by EditorMadaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 23-Feb-2016 dhagax dhigay buundo u dhexaysa deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Sool.
Munaasabadda dhagax dhigga buundada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Hay’adda Waddooyinka Puntland ee Nesha, saraakiil ka socota Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe.
Buundadan uu dhagax dhigay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa waxaa bar-bar socdey Dayactir lagu samaynayo labo meelood oo kamid ah waddada laamiga ah oo mid kamid ahi ay gaareyso 660mitir halka midda kale ay gaareyso 180mitir gaar ahaan inta u dhexaysa Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo uu soo gaadhey burbur aad u daran, kaas oo gaarey in waddadii laamiga ahayd ay kasoo hadho hal seed ama hal haad oo keliya, isla markaaana sababay shilal kala duwan.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa sheegay in dhismaha buundadaasi iyo dayactirka lagu samaynayo wadda laamiga ah uu kamid yahay ballanqaadkii Dawladda ee ahaa Dhismaha kaabayaasha dhaqaaha Puntland.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka ayaa sidoo kale kula dardaarmay shirkadda qandaraaska qaadatay oo ah shirkad waddani ah in ay masuuliyad dheeraad ah iska saarto isla markaasina dedaal dheeraad ah ku bixiso sidii ay buundadaasi u noqon lahayd buundo wax ku-ool ah oo waqti dheer sii shaqaysa, wuxuu sidoo kale kula dardaarmay dadka deggan deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe inay soo dhoweyaan lana shaqeeyaan shirkadda dhisaysa buundada.
“Waxaan rajeynayaa Waddo wax ku-ool ahi in ay meesha ka soo baxdo, waxaan sidoo kale rajeynayaa in shirakaddu ay kasoo bixi doonto mas’uuliyadda ay qaaday, dawladduna si dhab ah ayay u kor joogteyn doontaa”
no images were found
“Waxaann sidoo kale kula dar-daarmaya shacabka reer Puntland ee ku dhaqan deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe in aad la shaqaysanaa shirkadda dhisaysa buundada oo aad qaybtiina kaqaadataan shaqada” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.