Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka oo maanta ka furmey magaalada Istanbul.[Masawiro]

February 23, 2016 - Written by Editor

istan9Istanbul:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud iyo Ku- Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson ayaa maanta shir guddoomiyey Madasha 6-aad ee Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada/hay’adaha iskaashiga la leh ee dhinaca dib u dhiska Soomaaliya (High Level Partnership Forum).

Shirka waxaa si rasmi ah u furey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, waxaana ka qeybgalay in ka badan 200 oo ergo oo ka socda in ka badan 50 dal, hay’adaha caalamiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013.

Madaxdii ka hadashey shirka ayaa soo dhoweeyay horumarka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya ay ku tallaabsatey, iyo balanqaad ah inay sii wadayaan taageerada la siinayo Soomaaliya.

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online