Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo Ganacsatada Bosaaso kala hadlay abaaraha.[Masawiro]

February 27, 2016 - Written by Editor

IMG_1448Boosaaso:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ahna kusimaha MadaxwEynaha isla markaana ah  guddoomiyaha guddiga abaaraha ee Dawladda Puntland oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 27-Feb-2016 Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Boosaaso waxa ay kulan kula qaateen ganacsatada reer Puntland ee ku dhaqan Boosaaso.

Kulanka  ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Caddaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta Dawladda Puntland iyo Ganacsatada ku dhaqan Boosaaso oo intooda badan madax ka ah shirkadaha ganacsi ee ugu waaweyn Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa kala hadlay ganacsatada reer Puntland sidii ay door mug leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha aafeyey dadkii iyo duunyadii ku dhaqnayd gobollada Puntland.

Ganacsatadii kasoo qayb gashay kulanka ayaa Madaxweyne ku-xigeenka waxay u sheegeen in ay samaysteen guddi isla markaana aya guddoomiye u doorteen sheekh Fu’aad  Maxamuud Xaaji Nuur oo kamid ah ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Puntland, guddigaas oo Akoonno ka furi doona Bangiyada Dahabshiil, Amal iyo Salaam Bank, isla markaana ay u hawl-geli doonaan sida ugu dhaqsaha badan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha ee ay dawladdu ku dhawaaqday.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa ganacsatada  ku boorriyey in ay ka-qayb qaataan gurmadka abaaraha isla markaana ay tahay arrintaasi mid waajib diini ah ku ah qof walba oo muslim ah oo awoodi karaya in uu ka qayb qaato gurmadka loo samaynayo  dadka iyo duunyada ay abaaruhu halakeeyeen.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha  ayaa sheegay in dawladda Puntland ay ka bilowday gurmad biyo dhaamis ah 78-goobood oo kamid ah dhulka ay abaaraha ba’ani kajiraan isla markaana maalin walba 10 foosto oo biyo ah oo maalinle ah la gaadhsiiyo goob kasta oo kamid ah 78-daasi goobood.

Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland in ay Dawladdu xilli hore  bilowday in bixiso dhaqaalaha ay kaga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha isla markaana ay Dawladdu furtay Akoon, kaas oo lagu uruurinayo ama lagu kaydinayo dhaqaalaha ay dawladdu ugu talo gashay in ay kaga qayb qaadato gurmadka loo samaynayo dadweynaha reer Puntland ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online