Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Gaas oo booqday Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Boosaaso.[Cod/Masawiro]

February 1, 2016 - Written by Editor

IMG_2266Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 01-Feb-2016 kormeer booqasho ah ku tegey Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee magaalada Boosaaso oo ka-mid ah Jaamacadaha ugu faca weyn Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa Jaamacadda kusoo dhoweeyey Maamulka Sare ee Jaamacadda, Macallimiin iyo  Boqollaal arday ah oo wax ka-barta Jaamacadda Culuumta Caafimaadka kulliyadeheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu  soo dhoweyn kadib qol-qol u booqday qaybo kamid ah fasallada Jaamacadda iyadoo xilligaasi ay ardaydu qaadanayeen xiisadohoodi caadiga ahaa, waxaana uu wax ka-dhegeystey qaabka ay macallimiinta ardayda wax ugu sharaxayaan iyo sidoo kale qaabka ay ardaydu ugu fal-celinayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kadib Jaamacadda kaga  qayb galay xalfad lagu soo bandhigayey wax-qabadkii Jaaamacadda iyo Tariikhdeedii oo qaab muuqaal ah loogu baahinayey Madaxweynaha iyo kasoo qayb-galayaashii xafladda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Prof.Cabdirisaaq Xuseen Xassan ah guddoomiyaha Jaamacadda dhabar adaygga uu umuujiyey sidii uu Jaamacadda usoo gaadhsiin lahaa heerka ay maanta joogto oo ah in ay soo saarto dhakhaatiir tayo leh ooka hawla gala inta dhammaan Gobollada Puntland iyo in ay la tar-tanto Jaamacadaha Caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ardayda uga sheekeeyey qiimaha ay leeday wax-barashadu, waxaana uu kula dar-daarmay in ay dedaalkooda sii laba jibaaraan, si ay dalkooda iyo dadkoodaba u anfacaan maadaama uu caafimaadku yahay hal-bowlaha nolosha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu dambayntii ardayda ku booriyey in ay ka fogaadaan qabyaaladda, Tahriibka, iyo Falalka nabad diidka isla markaasina ay xoogga  saaran siday u badbaadin lahaayeen shacabkooda ku tabaalaysan gudaha dalka iyo daafaha caalamka iyagoo aqoonta ka duullaya.

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne Gaas oo la hadlay ardayda dhigata Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Boosaaso

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Madaxweynaha-1-Feb.mp3]


—DHAMMAAD—

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online