Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Gaas oo Qardho lagu soo dhaweeyey.[Masawiro]

February 4, 2016 - Written by Editor

IMG_2369Qardho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaami nayo ayaa saaka 04-Feb-2016 kasoo amba-baxay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari isagoo kusoo jeedaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa intaanu gaarin magaalada Garoowe waxaa uu ku hakaday magaaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, halkaas oo ay ku soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, maamulka heer Gobol iyo Heer Degmo iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxaa uu kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Qardho Cuqaasha, Nabadoonada, iyo Maamulka Gobolka iyo kan Degmada,

waxaana uu Madaxweynuhu ka xog-waraystay masuuiyiintaasi uu lakulmay xaaladda guud ee Nabad-gelyada Gobolka iyo Maashaariicda horumarineed ee Dawladdu ka wado Magaalada Qardho, waxaana ay u sheegeen Nabad-gelyada Gobolku in ay tahay mid sugan, mashaariicdii horumarineedna ay si dar-darle u soconayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisa ayaa waxay kulan qado sharaf  ah waxaa ay kula qaadan doonaan Cuqaasha iyo wax-garadka Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Qardho, kadibna waxaa ay uga sii gudbi doonaan magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

 

—DHAMMAAD—

 

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online