Madaxweynaha DFS oo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan
February 18, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaana halkaas ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey wasiirka amniga Qaranka ee DFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Nuur Iidow iyo masuuliyiin kale oo tirsan labada gole ee dowlada federaalka.
Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha DFS ayaa waxaa lagu sheegay in uu doonayo in uu ku soo qanciyo beelaha dega gobalka Hiiraan oo intoodii badneyd diiday shirka ka furmay Jowhar kaas oo la doonayo in Maamul Gobaleed loogu sameeyo gobalka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha iyo Wafdigisa ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Cuqaasha ,Nabadoonada gobalka Hiiraan si loo xaliyo waxyaabaha ay tabanayaan Reer Hiiraan.
A/Cawale
Halgan.net