Madaxweynaha DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha dowlada Jarmalka (Masawiro)

February 3, 2016 - Written by Editor

1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Jutta Gisela Frasch.

Danjire Frasch ayaa warqadaha aqoonsiga ka sokow, waxay Madaxweynaha soo gaarsiisay dhambaal qoraal ah oo ay ka sidday Ra’iisul Wasaare Angela D. Merkel.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo Danjire Frasch uga waramey xaaladda Soomaaliya iyo dhinacyada ay labada waddan ka iska kaashan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha Jarmalka u sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay maalgashi si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, dhanka kalena uu doonayo in la soo nooleeyo barnaamijyadii mihnadaha ee Jarmalka uu Soomaaliya ka taageeri jiray si fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada.

Danjire Frasch, ayaa iyana sheegtay in dalka Soomaaliya uu muhiim u yahay caalamka, iyadoo sidoo kalena soo dhoweysey horumarka dhanka siyaasadda ee dhowaan Soomaaliya ay ku tallaabsatey markii la meel mariyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.

Waxay Danjire Frasch sheegtay in Jarmalka gacan ka geysan doono taageerada dhismaha booliska, xarumo lagu tababaro dhalinyarada dhaqan-celinta lagu sameynayo ee ka soo goosta Al Shabaab, iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ee sahlaya dib u soo noqoshada qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee waddamada deriska ah.

Sidoo kale Jarmalka ayaa dib u fasaxayaa malaayiin dollar oo horay loogu deeqay Soomaaliya burburka ka hor, lacagtaas oo haatan loo adeegsan doono horumarinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono gobollada Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale ka wadahadley sidii la isaga kaashan lahaa adeegyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo kuwa kale aasaasiga u ah dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in xiriirka iskaashi ee Soomaaliya kala dhexeeya Jarmalka uu gacan weyn ka geysan karo dib u dhiska waddanka.

————-DHAMMAAD—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online