Madaxweynaha PL oo Madaxtooyada shir kula qaatay gudiga tayaynta yo shaqo qorista.[Masawiro]

February 12, 2016 - Written by Editor

IMG_0134Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa maanta oo 12-Feb-2016 shir guddoomiyey shirkii koowaad ee ay yeeshaan guddiga hoggaaminta mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista qaybo ka mid ah hay’adaha dowladda Puntland. (Capacity Injection Project).

Guddiga oo heer wasiir ah ayaa waxaa guddoomiye u ah Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana xubno ka ah Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland, waxaana uu mashruucani qayb ka yahay ballan-qaadkii Madaxweynaha ee ahaa dig u habaynta shaqaalaha Dawladda.

Ugu horayn guddiga hoggaaminta mashruuca tayeynta iyo shaqo qorista qaybo ka mid ah hay’adaha dowladda Puntland ayaa waxa ay warbixino ka dhagaysteen guddiga daba-galka iyo la socodka mashruucakani, waxayna uga warbixiyeen waxqabadkoodii saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxayna ka codsadeen guddiga hoggaminta in ay u ansixiyaan qorsheyaasha iyo miisaaniyadda saddexda bilood ee soo socota.

Shirkan ayaa ah mid saddexdii biloodba ay mar yeelan doonaan guddiga hoggaaminta mashruuca tayeynta iyo shaqo qorista qaybo kamid ah hay’adaha dawladda Puntland, waxaana looga golleeyahay in dib u eegis lagu sameeyo wixii ka qabsoomay qorsheyaashii saddexdii bilood ee la so dhaafay iyo in lagu ansixiyo qorsheyasha iyo miisaaniyadda saddex bilood ee soo socota.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa bogaadiyey wax qabadkii guddiga dabagalka iyo la socodka mashruuca Tayeynta iyo shaqo qorista, isla markaana ku boorriyey dhammaan hay’adaha mashruucan qaybta ka ah in ay u hoggaansamaan nidaamka shaqo qorista Puntland, isla markaana ay raacaan shuruucda loo dejiyey hay’adda shaqaalaha rayidka ah oo iyadu wakiil uga ah dawladda nidaamka shaqo qorista.

Ugu dambayntii guddiga ayaa ansixiyey qorsheyaasha iyo miisaaniyadda lagu shaqayn doono saddexda bilood ee soo socota si loo dar-dar geliyo shaqooyinka baaxadda leh ee la doonayo in la fuliyo, isla markaana laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweynaha ee ahaa hufnaan iyo isla xisaabtan.

—DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOYADA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online