Madaxweynaha Puntland “Dowladda iyo shacabka Puntland waxay ka tashan doonaan sidii aan Soomaaliya ka yeeli lahayn”.[Cod/Masawiro]

February 4, 2016 - Written by Editor

IMG_2707Garoowe:-Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qabayb qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Puntland Cabdixamiid Sheekh, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo boqollaal dadweyne ah kuwaas oo ku-labisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka iyo dhar laga tolay Calanka Dawladda Puntland iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhoweynta kadib waxaa loosoo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu Madaxweynuhu Warbaahinta qaybeheeda kala duwan kula hadlay.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey shacab weynaha reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Garoowe sida qiimaha iyo waddaniyaddu ka muuqato ee ay u soo dhoweeyey, isla markaasna waxa uu madaxweynuhu ka-warbixiyey shirarkii ay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo kaga qayb galeen kuwaas oo fashil ku soo dhammaaday iyo Safarkii Madaxweynaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in shirkii Muqdisho markii uu burburay ay go’aan ku qaateen in ay talada kusoo celiyaan shacabka Puntland si’ay shacabka Puntland ay go’aan uga gaadhaan masiirkooda, isla markaana ay dhowaan Puntland ka bilaaban doonaan shirar wada tashiyo ah oo u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda.

“Talada waxaanu kusoo celiney dadka reer Puntland, haddana waxaanu u fadhisan doonaa wadatashiyo inaanu yeelano anaga, golayaasha dawladda, shacbiga, ururada bulshada iyo siyaasiyiintu in aanu tashi ka yeellano waxaanu ka yeeleyno Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Garoowe Imaan doonaan wufuud caalami ah kuwaas oo doonaya in ay si dhab ah u ogaadaan dareenka shacabka Puntland iyo dawladdiisaba ee kuu aaddan nooca doorasho ee la filayo in ay dalka kaqabsoonto bilaha August iyo September.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa digniin u diray shaqsiyaad isku deyey in ay khal-khal ka abuuraan Puntland isla markaasna ay kala dhantaalaan mashaariicda horumarineed ee Dawladdu ka wado Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, isla markaasna ay iska horkeenaan shacabka walaalaha e Puntland.
“waddanka horumar ayaa ka- socda, waxaan rabaa horumarkaa in aan la-shaashayn oo aw-kiraalayaal meelo kale laga soo ijaartey aysan caqabad ku noqon oo nabad-gelyada wax u dhimin”

“Dawladda Puntland waxaa ka go’an qofkii shiddo layimaada Puntland in ay gacan bir ah iskaga qabanayso oo aanay amnigeeda cidna wax gor-gortan ah kala geleyn” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne Gaas oo saxaafadda la hadlay markii uu maanta tegay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Madaxweynaha-2016.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online