Madaxweynaha Puntland oo kulan kula qaatay Garoowe Wafdi ka socda Beesha Caalamka.[Cod/Masawiro]

February 9, 2016 - Written by Editor

IMG_3098Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta 09-Feb-2016 kusoo dhoweeyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Wafti Ballaadhan oo heer Caalami ah oo uu hoggaaminayo Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Waftiga ayaa sidoo kale waxaa  ka mid ahaa Danjirayaasha IGAD, Talyaaniga, Midowga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, iyada oo maalinta berito ahna lafilayo in ay Puntland soo gaadhaan Danjirayaal  kale oo ka kala socda waddamada Soomaaliya daneeya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka waftigu uu ku qotomo siday  u arki lahaayeen dareenka shacabka Puntland ee ku aadan geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka.

“waftigani waxay noogu yimaadeen in ay arkaan dareenka dadka reer Puntland hadday ahaan lahaayeen siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo bulshada rayidka ahba  ee ku aadan geeddi-socodka nabadda Soomaaliya iyo Hiigsiga doorashada” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli.

“Dadka reer Puntland dareen bay ka-muujiyeen go’aankii Dawladda Federaalku qaadatay, Beesha Caalamkuna ay taageertay, sidaa awgeed in ay la hadlaan shacabka Puntland, wada xaajoodna la yeeshaan shacabka iyo Dawladda oo wada socda ayay sidoo kale u yimaadeen” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa imaatinka waftiga ee Puntland ku tilmaamay fursad wanaagsan oo ay Beesha Caalamku siisay Puntland isla markaasna uu rajaynayo shirka furmi doona in ay kasoo bixi doonaan wax ummadda Soomaaliyeed oo dhan dani ugu jirto.

“waan ku faraxsanahay runtii intaas oo danjire in ay noo yimaadaan, dareenkayagana ay ogaadaan, shacbigayagana ay dhegeysataan waa fursad aad u wanaagsan oo beesha Caalamku ay siisay Puntland, waana soo dhoweynayaa, waxaana rajeynaya in wada hadalku guul ku dhammaado wax wanaagsan oo ummadda reer Puntland iyo guud ahaan soomaaliyaba dani ugu jirtona uu kasoo boxo” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Shirka ayaa muddo saddex cisho ah ka socon doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaan si dhab ah loogu lafa guri doono go’aanka Puntland ee doorashooyinka 2016-ka iyo qaabkii looga gudbi lahaa xilligan kala guurka ah uu dalka Soomaaliya ku jiro.

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne Gaas oo ka hadlay wafdiga beesha caalamka ee yimid Garoowe

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/gaas1.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3
Hoos ka Dhagayso Ergayga Gaarka ah ee Un-ka u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlay safarka ay ku yimaadeen Garoowe

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Keating.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online