Madaxweynaha Puntland oo siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa (Masawiro)

February 16, 2016 - Written by Editor

3Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16-Feb-2016 siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Addis ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya, halkaas oo Madaxweynuhu uu ku tegey marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxda ugu sarraysa Dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa kusoo dhoweeyey xubno ka socoda golaha Wasiirada Dawladda Itoobiya oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom, Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske, Wasiirka Arrimaha Bulshada,  Wasiirka Ganacsiga, Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Ambassador Wondimu Asamnen iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ay weheliyaan , Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske  iyo Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Wondimu Asamnen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Masuuliyiintii  ay kulanka wada qaateen ayaa waxay  kawada hadleen Xaaladda Guud ee Soomaaliya iyo gaar ahaan xaaladda Puntland iyagoo kulankooda intiisa badan diiradda ku saaray horumarka baaxadda leh ee ka socda Puntland iyo sidii laysaga  kaashan lahaaa  la dagaallanka kooxaha Argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala hadlay Madaxdii uu la kulmay sidii Itoobiya ay maalgashi uga samaysan lahayd Puntland si dhaqaalaha Puntland ee kobcaya uu dad-dar usii yeelan lahaa isla markaana ay  uga faa’iideysan lahaayeen  kumannaanka dhallinyarada ah ee sannad walba kasoo qalin jebinaya Jaamacadaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maalmaha soo socda waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dawladda Itoobiya oo uu kamid yahay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, golihiisa xukuumadda, xubnaha beesha Caalamka iyo midowga Afrika ee ku sugan Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online