Ra’iisul Wasaaraha DFS oo qado sharaf u sameeyey Ciyaartoydii 11-jirada oo ku matalayay Qaranka Soomaaliya.[Masawiro]

February 19, 2016 - Written by Editor

3Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta Qado sharaf u sameeyey Ciyaartooydii 11-jirada oo ku matalayay Qaranka Soomaaliya Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay dalka Qadar. waxana uu Ra’iisul Wasaaruhu boggaadiyey sida ay uga soo dhex muuqdeen ciyaaraha iyo guulihii ay gaareen mudadii ay ciyaaruhu socdeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mahadcelin u jeediyey Maamulka Iskuulkii ay ka socdeen iyo Waalidiinta dhalay, isagoo xusay in loo baahan yahay ciyaartoydan da’da yar in maalgalin lagu sameeyo si kor loogu qaado xirfa dooda. Wuxuna intaa raaciyey in dawladda Qatar uu kala hadlay dhismaha garoon iyo goobo kale oo lagu ciyaaro qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha.

“Maanta farxad ayay ii tahay in aan qado u sameeyo dhalinyaradii kor u qaaday magaca Soomaaliyeed, waxaad tihiin geesiyaal guul u soo hooyay Soomaaliya. Waxana idiin haynaa qadarin”ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas raaciyey in kulamada soo socda uu rajeynayo guul ka ballaaran tan in ay gaari doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ardaydan ay beri noqon doonaan mustaqbalka cayaartooyda Qaranka, ayna dhiiri gelinayaan tallaabooyinka lagu horumarinayo isboortiga dalka.

“Waa fursad fiican oo mustaqbal u noqon karta, jiilkan yar yare e aad arkeysaan, runtii Xukuumaddu way bogaadineysaa tallaabooyinka lagu dhiiri gelinayo da’yarta isboorti, oo aan dhihi karo inay Soomaaliya u tahay mustaqbal fiican”ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey R/Wasaare Cumar.

—–DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online