Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ka hadlay kulankii ay la qaateen Michael Keating.[Dhagayso]
February 10, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Siyaasiga Cali Cabdi Awaare Oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii maanta ka qeybgalay shir saaka ay siyaasiyiin ka tirsan Puntland ay la qaateen wafdi ka tirsan beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo u yimid in madaxda Puntland uu ku qanciyo in ay aqbalaan go,aankii doorashada Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaareen doorashada 2016 e ay beesha caalamkuna ay taageertay.
Siyaasiga Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka ay hordhigeen in aysan aqbalayn nidaamka 4.5 ayna arrinkaas uu yahay go’aan midaysan oo shacab iyo dowladdaba isla gaareen oo waafaqsan hishiisyadii ay horay u wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
Hoos ka dhagayso waraysiga uu bixiyey Siyaasiga Cali Cabdi Awaare
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Awaare-.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net