Tababar ku saabsan tayaynta Hay’adaha Dowliga ah ee Dowladda Puntland oo soo idlaaday.[Masawiro]

February 19, 2016 - Written by Editor

20160218_104805-640x360Nairobi:-Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa  waxaa ku soo idlaaday tababar Bangiga adduunku u qabtay shaqaalaha mashruuca tayaynta shaqalaha Dowladda Puntland ee Xafiiska Madexweynaha iyo Guddiga sare ee Hay’ada Shaqallaha Rayid ah ee Dowladda Puntland.

Tababarkan oo loogu magac daray One-on One Orientation and Training Workshop ayaa wuxuu mudo hal asbuuc ah ka socday xarunta Bangiga aduunka ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana si wada jir ah u bixinayay Khuburo ka socotay  Bangiga Aduunka.

Tababarka ayaa ku saabsanaa sidii loo dar-dar gelin lahaa shaqada mashruuca Tayaynta iyo Shaqalaysiinta ee uu Bangiga Aduunku maalgeliyo Dowladda Puntland-na ay fulinayso.

Mudadii uu tababarku socday ayaa shaqallaha mashruuca Tayaynta iyo Shaqalaysiinta  iyo guddiga Hay’adda shaqaalaha rayidka ah soo bandhigeen wixii u qabsoomay saddexdii bilood oo la soo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha saddexda bilood ee soo socota.

Agasimaha Guud ee Madextooyada Dawladda Puntland iyo Guddoomiyaha Shaqalaha rayid ah ayaa Bangiga Aduunka sii yeey warbixin dheer oo ku saabsan sida Dowladda Puntland ay ugu heelan tahay in uu mashruucani miro dhalo Dowladduna uga faa’iidaynayso shaqaleheeda.

Mashruucan ayaa soconaya muddo shan sano, waxana uu ka mid yahay balanqaadyadii uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u balan qaaday shabackiisa.

Wafuuda tababarku u socdey ayaa waxa hoggaminayey Agaasimaha Guud ee  Madextooyada Dawladda Puntland Mudane Deeq Suleymaan yuusuf.

Bangiga aduunka ayaa ku aamanay Dowladda Puntland sida habsami u socodka leh ee uu mashruucu u socdo iyo guulihii la gaaray sadexdii bilood ee la soo dhaafay, waxana ay sheegeen in mashruucani mirro dhalidoono.

Ugu danbayntii, tababarka ayaa ku soo idlaaday jawi deggan, waxaana ay wufuudu sheegeen in uu ahaa tababar ay wax badan ka faa’iideen, taas oo u fududayn-doonta in ay u gutaan shaqadooda si habsami leh.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online