Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dawladdii KMG Muxyadiin Maxamed oo Muqdisho lagu dilay
February 15, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga dowladda KMG ee uu Ra’iisul wsaare ka ahaa Nuur Xassan Xuseen Nuur Cadde. Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga dowladda KMG Muxiyaddiin Xasan Xaaji ayaa wxaa gaarigiisa waxaa loogu xiray miino waxaaan lagu qarxiyey xili uu marayey gaarka Is goyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Wasiirkii hore ee gaashaandhigga dowladda KMG ee uu Ra’iisul wasaare ka ahaa Nuur Xassan Xuseen Nuur Cadde ayaa waxaa uu waxaa uu soo qabtay xilal kale duwan waxaan uu hadda ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbi siyaasadeedka ee Kulan.
Ma ah markii ugu horaysay oo qof xilal ka soo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilo qarax lagu xiray gaarigiisa balse waxaa qaraxyada noocaan oo kale ah lagu dilay masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir ,Xidhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya , saraakiil ciidan iyo wariyaal ka howl gali jiray magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareyey dilkii maanta magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dawladdii KMG Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim.
A/cawaale
Halgan.net