Dagaal dhexmaray Galmudug iyo Maleeshiyaad Isbaaro dhigtay Koonfurta Gaalkacyo

May 3, 2016 - Written by Editor

gaalkacyoGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in iska horimaad culus uu dhexmaray ciidamo daacad u ah Maamul Galmudug iyo Maleeshiyo beeleed isbaaro dhigatay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada Galmudug ka dib markii ay diideen Maleeshiyaadka Isbaarada dhigtay in ay qaadaan Isbaarada waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo ka fudud waxaana ciidanka Galmudug ay la wareegeen halkii ay isbaarada dhigteen maleeshiyada.

Ilaa inta la ogyahay waxaa iska horimaadka ku dhintay 4 qof oo ka tirsan Maleeshiyada Isbaarada dhigatay waxaana jira dhaawacyo soo gaaray ciidamada Galmudug kuwaas oo la geeyey Isbitaalka Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyada ayaa Isbaaro dhigtay deegaanka Ceel-Akhwaan oo ku dhaw magaalada Gaalkacyo, iyadoo wararku qaar ay sheegayaan in ay xiisad ka jirto deegaanka Ceel-Akhwaan oo ah halka lagu dagaalamay.

Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaan ilaa haatan ka bixin wax faahfaahin ah iska horimaadka ka dhacay deegaanka Ceel-Akhwaan 10 KM dhanka Koofur ka xiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online