Degmada Carmo ee Gobolka Bari oo horumar baaxad leh ku tilaabsatay.[Masawiro]

May 1, 2016 - Written by Editor

CARMO-POLICECarmo:- Carmo oo la aasaasay sanadkii 1993dii ayaa ka mid ah magaalooyinka sida xawliga ah u koraya, magaalada oo ku taal laamiga dheer ayaa u jirta magaalada Boosaaso 100km. inkastoo mudadii la aasaasay ay dhawayd haddana waxay leedahay dhamaan adeegyada daruuriga ah sidda waxbarashada, caafimaadka, korontada, biyaha iyo waliba dhaqdhaqaaq ganacsi oo xawli u koraya.

Waxaa xusid mudan inay ku taal magaalada Akaadeemiyada Booliska Soomaaliyeed oo lagu carbiyo saraakiisha Booliska iyo guud ahaan hawlaha la xariira tababarada ciidamada, waana mid ah magaalada u soo jiiday inay booqdaan madaxda ugu saraysa dalka heer federal iyo heer Puntland-ba.

Waxyaalaha bilicda magaalada kordhiyey waxaa ka mid ah ayadoo markii la dagayey loo sameeyey qorshe deegaamayn(town plan) oo aad looga taxadaray, ayadoo waliba loo baneeyey danta guud dhul aad u balaaran oo in badan siddii loo qorsheeyey looga faaiiday stay,  walina qaybo dhulkaas ka mid ihi u banaan  yihiin danta guud, waana magaalada kaliya ogaantay oo xataa dhisatay musallaha Salaada ciidda.

Waxaa kale oo ka qayb qaatay koritaanka magaaladaan ayadoo xiliga kulaylaha dad badani u soo xagaa baxaan, qaar badan oo dadkaas k amid ahina waxaa halkaa uga dhisan guryo ay ugu talo galaan inay dagaan xiliga xagaa baxa, inkastoo bulshada rasmiga u dagana ay aad u faro badan tahay.

Magaaladu waxay leedahay goobo waxbarasho oo ilaa dugsi sare ah, waxaa kale oo ku yaal goobo caafimaad oo wax ku ool ah oo qaarkood laga soo aado Soomaaliya oo dhan, waxaa kale oo ku xoog badan dhaqdhaqaaqa faafinta diinta islaamka oo ay ku yaalaan magaalada  xarumo dacwo oo muhiim ah sida: masaajid waaweyn oo xalaaqaat ka socdaan, dugsi quraano, iskuulo islaami ah, macaahid, xarumo dumarka dacwadooda u khaas ah IWM.

no images were found

Mu’assadda Al-minhaaj
Carmo, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online