Heshiis la dhex-dhigay dhinacyadii ku dagaallamay Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan
May 25, 2016 - Written by EditorHiiraan:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in heshiis xabad joojin ah la dhex dhigay maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamayey magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.Odayaal Nabadoono, Masuuliin ka tirsan Maamulka gobolka iyo ciidamada ka tirsan dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku guuleystay in ay xabad joojin dhex-dhigaan maleeshiyaadkii baryahan ku dagaalamayey magaalada B/weyne.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Macallin Cismaan ayaa sheegay in la kala qaadeen maleeshiyadii ku dagaalameyey gudaha magaalada B/weyne wuxuuna xusay in ay hada socdaan wadahadalo u dhexeeya labada garab ee ku dagaalamay galbeedka magaalada.
Magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa sidoo kale ku fatahay wabiga Shabeele waxaana dagaaladii ka dhacay ay sababeen barkac baahsan waxaana dagaalada ku dhintay 10 qof.waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
A/Cawale
Halgan.net